Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo shir caalamiya kaga qayb galaya wadanka Uk.

Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa u amba baxay wadanka Uk halkaas oo uu kaga qayb gali doono shir caalami ah oo arimaha biyaha lagaga wada hadalayo.

Maareeyaha oo socdaalkiisa iyo shirkaasi sharaxaya ayaa wuxu yidhi:

” Waxaan Maanta socdaal ugu baxayaa Wadanka UK, gaar ahaan Magaalada Loughborough, oo aan kaga qayb galaayo shir lagu qabanaayo Loughborough Univesity, kaas oo ah (38 WEDC INTERNATIONAL CONFERENCE) Water, Sanitation and Hygiene Beyond 2015 Improving access and sustainability, anaga oo ka jeedin doona paper uu ciwaankiisu yahay (Challenges of Sustaining Urban Water Supply for Rapidly Growing Post War City.Case Study of Hargeisa City), shirkaa oo ay ka soo qayb galayaan ilaa 300 oo argey oo kakala yimid aduunyada, iyada oo Hargeysana Magac weyn u yahey Shirkaasi iyo dhamaan Somaliland oo dhan, waxaanan ilaahay ka rajeynayaa in uu nagu soo guuleeyo hawshaa.

logadagnn