Amal Khadar Cabdi oo lagu dilay Magaalada Bristol ee Dalka UK

Bristol (Gabiley.net) Waxa xalay magaaladda Bristol ka dhacay dil kaas oo sida la sheegayo uu geystay nin aan magaciisa wali la shaacin. Waxa sidoo kale Policeku xidheen ninkii qabay marxuumada, marxuumadaa oo la odhan jiray Amal Khader Abdi.

Sida ilo xogogaal ahi Gabiley.net u xaqiijyiyeen waxa isla gurigeeda ku geeriyootay marxuumada la dilay.

Dilkan oo ka dhacay daarta ay dagan yihin ee xaafadda Somalidu ku badan tahay ee Barton Hill guriga magaciisa la yidhaahdo Longlands House.

longlands

 

Waxa hadda arrinta gacanta ku haya ciidanka Police-ka ee Magaalada Bristol ee loo yaqano Avon and Somerset Police. Wixii warar ah ee ka soo kordha dilkan kala soco Gabiley.net.

Sidoo kale Gabley.net waxay tacsi u diraysaa qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumadaasi, waxaanan leenahay Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo.

 

logadagnn