Obama Oo La Waydiiyay “maanay Shiinuhu Africa idin kaga horayn?, waxaad tagi doontaa daarta AU-da oo lagu dhisay Lacagta Shiinaha..”?

Nairobi(GNN)Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa ku wajahan wadanka Kenya, waxaanu waraysi siiyay BBC-da oo wax ka waydiisay arrinta ku saabsan in China kaga horeeyo Maraykanka qaarada Africa iyo sidoo kale Ragga ama Dumarka isku jinsiga ah ee Is guursada.

Madaxweyne Obama aobamayaa ugu horayn la waydiiyay sababta uu u doortay dalka Kenya oo Al-shabaab ka gaysatay weeraro badan waxaanu ku jawaabay “Runtii waxay ila tahay inay muhiim tahay in marka ugu horaysa madaxweynaha Maraykanku hoosta ka xariiqo, siday nooga go’an tahay inaan iskaashanno dalal dunida iyo inaanu muujinno inaanay na cabsi galin Karin kooxaha argagixisadu. Ta labaadna waa inaanu dhiirinno iskaashiga ka dhexeeye Kenya iyo Maraykanka ee ah ka hor taga argagixisada. Waxa uu noqon doonaa safarkani mid aan ku tago gobol aanan muddo bookhan waxaanan noqon doonaa madaxweynihii u horeeyay ee Kenya iyo Ethiopia bookhda, anigoo fursad u heli doona inaan ka hadlo xarunta midawga Africa” .
Waxa kale oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa Shiinuhu maanay Africa idin kaga horayn?, waxaad tagi doontaa daarta Midawga Africa oo lagu dhisay Lacagta Shiinaha; waxaad mari doontaa waddooyinka shiinuhu dhisay; waxaad tagi doontaa dhismaha qaramada midoobay , Tirana ma leh ganacsatada shiinaha ee waddooyinkaas ku sugan?
“Marka aad Eegto faa’iidada uu shiinuhu ka urursaday ganacsiga dunida dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, waana kuwo aad moodo inaanay ogolayn inay la xisaabtamaan dadkooda. Waxay awood u yeesheen inay qaarada Africa galiyaan lacag aad u fara badan, iyagoo ku bedelanaya Badeeco qaydhiin oo ay Africa ka daldashaan, waxaana runtii Maraykanka waajib ku ah inuu halkaas joogo, si uu u dhiiri galiyo qiimaha uu mar walba u taagan yahay, waanan soo dhawaynaynaa gargaarka shiinaha ee Africa gaadha, waana arrin wanaagsan oo ma doonayno inaanu niyad jabinno, waxaanu se doonaynaa in ganacsigu noqdo mid u faa’iideeyo shakhsiga caadiga ah ee Kenya u dhashay, kan Ethiopia u dhashay iyo kan Gini u dhashay laakiin, maaha in Shiinaha iyo dad yar oo maamulka u dhaw uuni helaan faa’iidada. Waxaanu doonaynaa inaanu gacan ka gaysanno mawqifka ay Shiinaha, Yurub iyo Maraykanku kuwada shaqayn karaan si arrimaha wax looga qabto”

Waxaa jirta arrin aad wajahayso markaad gaadho Kenya oo ah Ragga Is Guursada oo Maraykanka Maxakamaddi Ogolaatay, Madaxweyne xigeenka Kenya Wiliam Ruto oo aad la kulmi doonto wuxuu yidhi “ Waxaanu maqalay in Maraykanku ogolaadeen Xidhiidhka Ragga iyo waxyaabo wasakh ah”?
Jawaabta Obama “Runtii waan kaga mawqif duwanahay taas, arrintaasina hore ayay ii soo martay, markii aan bookhday Senegal, safarkaygii u dambeeyay ee Africa, madaxweynaha dalkaasi inuu hayo hawl wanaagsan oo dalka hore u sii wado, dimuqraadiyadda ayuu aad u jecel yahay, shir jaraa’id oo aanu wada jir u qabanay waxaan u sheegay in qof walba caddaalad helo si la mid ah sida qof walba oo kale si waafaqsan sharciga dalka u yaala, caddaaladdaas waxa kale oo mudan raggaas, dumarkaas” ayuu yidhi Obama.

Madaxweyne Obama ayaa Kenya ka furaya Shirka ganacsiga iyo hal abuurka,isagoo sidoo kale bookhanaya Safaaraddii Maraykanka ee la qarxiyay, kadibna wuxuu garoon kula hadli doonaa shacabka Kenya.

Gabileynewsnetwork

Hargaysa office