Shirkii Mucaaradka Oo Wajigii 3aad Galay Iyo Jawigii Saaka Uu Shirku Ku Furmay.

Hargaysa(GNN)Shirkii Mucaaradku Ay kaga Arisanayeen Xaalka Dalka oo Maalintii 3aad Galay ayaa ku soo dhamaaday Natiijo La’aan,kaas oo halkii La Doonayay in Lagaga Hadlo Marxalada Dalka ka taagan Lagu dhaliilay Uun Xukuumada talada dalka haysa ee kulmiye

Xisbiyada Mucaaradka oo Shirkan ku sheegay mid Ay kaga doodayaan Sidii Doorashada loo qaban Lahaa Ayaan ilaa hada lasoo hadal qaadin Siday sheegtay Faadumo Siciid,lagana Meer meerayaa.

waxa ay Fartay Masuuliyiinta Mucaaradka iyo madasha in Waaqaci Taagan lagu saleeyo shirka ujeedadii loo qabtayna Laga midho Dhaliyo Madaama oo Shacabka Somaliland Isha ku hayaan Shirka Mucaaradka hargaysa uga Socda.

Sidoo kale waxa Xusid Mudan in Shirkani yahay Mid Aan ergada ka soo qayb galaysaa Aanay Sidanin Kaadhkii ergada kaas oo uu muuqday Mid Cid waliba iska soo galayso.

Jawiga Saaka uu ku furmay shirka mucaaradka ayaa buuq hadheeyay Markii ay madasha isku qabsadeen Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo labadooduba hadlo isku mariyay Makarafoonka.

Guddoomiye cabdiraxmaan ciro oo fadhiya Shirka ayaa dibada uga baxay ka dib markii oday dhaqameed shirka yimid ku canaantay inuu qayb ka yahay muddo kordhinta xukuumada loo sameeyay,shacabkan tusay inaanu madaxwayne siilaanyo oo kaliya loo kordhin.

Faadumo siciid ayaa ku talisay in Shirka laga soo saaro waxa midho dhal Ah oo lagaga Baxo Xaalada dalka ka taagan,hadalkaas oo u muuqday sida Aanay waxba isku jaan goysnayn Shirkan.

Huteelka Shirkani ka Socday waxa lagaga Hadlay Xaalada Amaan ee dalka,Tan dhaqaale,Siyaasada Somaliland ka leedahay Arimaha Dibada,Arimaha Bulshada taas oo Gabi Ahaanba lagu dhaliilay Xukuumada siday shegeena gaabisna uu ka muuqdo.

majirto ilaa hada shirkan waxa go’aamo Ah oo laga soo saaray,Madaxda shirkan goob jooga ka ah way ku kala afkaar duwan yihiin,Sida loo wajahayo Xaaladaha is barkan ee ka muuqata Xaalka Dalkan.

Shirguddonka Shirka Guddoominayay iyagana waxa ka muuqata Sidaanay ugu dadaalayn in Ay hore u sii qortaan Shaqsiyaadka lagu tirinayo in Ay si fiican uga warami karaan xaalka balse shirkan oo socda ayaa marba qofkii hadli kara Laga dhex baafinayaa madasha uu shirkani ka socdo.

Faadumo oo ka niyad jabsan Sida ay hawlaha shirku u socdaan ayaa hadal ku sheegtay waxa ay tidhi.
”Nuxurka Magaadhi karayno maxaa yeelay wixii loo baahnaaba cidi kama hadlayso,shirka waxa loo sameeyay marka aynu aragnay inaanay doorasho dhacay shirkas waxa aynu u qabanay waxaas oo dhan ee is biirsaday maxaynu ka qaban karaynaa,maceeshadu halka ay taagan tahay waad ogtihiin,tahriibkii waad lasocotaan,su’aasha maanta idinka laydinka doonayaa waxa ay tahay nuxurkeedu hadii wakhtigii siilaanyo dhamaaday doorashana dhici wayday maxaynu samaynaynaa hadaynu nahay Labadii Xisbi Mucaarad,ilaa hadana su’aashaas mahayno.

Faadumo ayaa Masuuliyiinta Mucaaradka ka dalbatay in Ay shacabka soo hordhigaan waxa ay sugaan go’aamo adagna laga soo saaro taladan balse majirto ilaa hada wax cad oo madasha iyo xisbiyadu keneen badkana soo dhigeen in Ay Xukuumada Dhaliilaan mooyaane.

Shirkan oo Bari soo xidhmi doona shacabkuna u dhag taagayaan waa la sugi doonaa Go’aamaday Ay soo jeediyeen in Ay shacabka qanciyaan iyo in Ay ku Fashilmaan Shirkaas Ay qabteen.

Gabileynewsnetwork Office