Xildhibaankii Dartii loo dhaawacay Xil. xasan Cawaale oo ka waramay sida wax u dhaceen.

xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo ah mudanaha wehelinayey Xasan Cawaale ee marka hore hadidaada loogu gaystay madaxtooyada, ayaa Jamhuuriya u sheegay xalay in guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilladu shir ka yeelan doonaan sidii looga jawaabi lahaa tacadiga iyo dhibaatada loo geystay.

“Muraad aannu u lahayn Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaannu marka hore u tagnay madaxtooyada, laakiin markii aannu dhamaysanay muraadkayga, ayaanu aragnay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo faraha igu soo fiiqaya, oo weliba hadalna raacinaya, balse xildhibaan Xasan Cawaale ayaa askarta u sheegay in aan ahay mudane

ka tirsan Golaha Wakiillada oo la iga daayo hadidaada, waxaanna dhacday in Taliyaha ciidanka Ilaalada ah uu ka cadhooday hadalkaas, waxaannu xildhibaanka feedh kaga dhuftay laabta oo dhinaca naaska hoostiisa ah,” ayuu yidhi Md. Xaamud, isagoo intaas raaciyey; “Waxaanna dhacday in markiiba askarta oo badan ay dhibaatooyin gacan-ka-hadal ah u gaysteen xildhibaanka oo mid waliba wax ku dhuftay, waxaanna gaadhay dhaawac loo dhigay cusbitaalka.

Md. Xaamud, ayaa sidoo kale sheegay in goobta lagu dhibaateeyey xildhibaanka ay joogeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde, isla markaana aanay wax tallaabo ah qaadin taliyaha iyo askarta dagaalka kula kacay Md. Xasan Cawaale.

“Falkaas foosha xun maaha mid aannu sidaas ku dhaafi doono, waxaanan doonaynaa in aannu shir ka yeelanayo maalinta Sabtida haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo aannu soo saari doono go’aan lagula xisaabtamayo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo cidda kale ee arrintaas ka dambaysayba,” ayuu yidhi Md. Xaamud Cismaan.

 

source: Jamhuuriya

logadagnn