DAAWO: Gabadh Ethiopian ah oo Wacdaro dhigtay Orodka 5000m Beijing.

Almaz Ayana oo u ordasay wadanka Ethiopia ayaa si cajiib ah ugu guuleysatay orodka 5000m ee Haweenka oo maanta ka dhacay magaalada Beijing.

Almaz ayaa in ka badan 100 talaabo ka horaysay gabadha la filayay inay orodkan ku guuleysto Genzepe Dibaba oo iyaduna isla Ethiopia kasoo jeeda.

Genzebe Dibaba oo ay walaalo Yihiin orodyahanadii weynayd ee Durinish Dibaba ayaa 5000m ku guuleystay Orodka Daimond League oo ka dhacay Paris horaantii sanadkan ,sidoo kale waxa ay wiigan ku guuleystay orodka 1500m.

Tababaraha Dibaba Jamac Aaden (Karaaciin) ayaa sheegay inay Dibaaba jabin karto Recordkii ay hore u dhigtay walaasheed ,hase yeeshee Ayana ayaa meel gaaban kaga soo baxday isla markaana si cajiib ah ugu horqaaday biladii Dahabka ahayd.

Halkan ka Daawo.

logadagnn