Libaaxii ugu Caansanaa wadanka Zimbaabwe oo nin Maraykan ahi Dilay +Daawo Sawiro Qurux badan.

Cecil waxa uu ahaa Libaax caan ka ah wadanka Zimbabwe iyo guud ahaan Qaarada Afrika ,Libaaxan ayaa ahaa mid si wayn ay u jecel yihiin dadka dalxiisayaasha ahi marka ay tagaan Seeraha wayn ee xayawaanka lagu xanaaneeyo  ee  Hwange National Park.

Cecil the lion chasing a jeep
Intii aan la dilin ka hore 1 da bishii July ,Cecil waxa uu ahaa mid si wayn usoo jiita dadka Seerahaasi soo booqda waxaanu ogolaan jiray in Gaadiidku usoo dhawaadaan isagoo marmarna daba gali jiray Baabuurta si dadku Sawiro aad u dhaw uga qaataan.
Cecil growling at his cubs
Cecil waxa uu horjooge u ahaa 18 libaax oo isugu jira 12 gool ah iyo 6 yaryar oo Cagabaruur waxana la hogaamin jiray kooxdan libaax kale oo loogu yeedho Jericho..
Cecil the lion
Waxa la rumaysan yahay dhimashadiisa ka dib in 6 da yaryar ee Cagabaruurka ah la dili doono maadama Libaaxa cusub ee dhaxlay xukunkii Cecil aanu jeclayn inay noolaadaan.sidaana waxa sheegay dadka Seerahaa ilaaliya ee aqoonta u leh dhaqanka Libaaxyada.

Brutal: Cecil the lion (right) fights with a male called Jericho in May last year. Since his death, there have been fears that his cubs would be killed by a rival male, but they are reportedly being guarded by Cecil's 'brother'
Cecil the lion (right, darker mane) fighting with Jericho on safari at the Ngweshla Picnic site at the Hwange National Park in Zimbabwe

Sawirkani waa Cecil oo la dagaalamaya libaax kale oo soo weeraray dhasha uu masuulka ka yahay.

Cecil the lion
Ceci oo 13 jir ahaa waxa uu caan ku ahaa Baaxadiisa aadka u wayn iyo shaash madaw oo widhwidhaya.
Cecil the lion wearing a collar
LIbaaxa dhintay ee Cecil waxa daraasad ku waday Machad cilmi baadhista ee Jaamcada wayn ee Oxford University waxana qoorta ugu xidhnaa GPS lagula socda kolba meesha uu joogo.
Undated photo provided by the Wildlife Conservation Research Unit, Cecil the lion rests in Hwange National Park, in Hwange, Zimbabwe
Walter Palmer,oo ah dhakhtar Ilkaha ah kana yimid magaalada  Minnesota ayaa la rumaysan yahay inuu bixiyay lacag dhan $50,000 (£32,000)  si uu u gaadhsado Cecil.
Cecil the lion in a handout picture taken on 21 October 2012
Ugaadhsiga xayawaanka duurjoogta ah ayaa noqday ganacsi wayn sanadkii 2013 kii oo kaliya waxa Zimbaabwe laga dhoofiyay 49 madaxa libaaxa ah.Cecil the lion
Ninka Maraykanka ah ee dilka Libaaxan gaystay  ayaa la sheegay inuu iska dhigay inuu hilib siinayo libaaxa,xili habeenimo ah meel wax yar ka baxsan Seeraha Hwange National Park sidaana uu ku dilaydakhtr.
Mr.Palmer waxa uu sheegay inuu moodayay in uu ugaadhsigu yahay sharci ,waxa kale oo uu ku dooday in aanu ogayn libaaxa Cecil inuu kamid yahay kuwa  mamnuuca ay tahay in la ugaadhsado.

Dilka Cecil ayaa cadho wayn ka dhilayay wadanka Zimbaabwe iyo guud ahaan Dunida .

wasiirka deegaanka wadanka Zimbabwe Oppah Muchinguri  ayaa wadanka maraykanka ka codsatay in Mr.Palmer loo soo gacan galiyo si loogu qaado danbiga uu galay.

Warbixintan waxa qortay BBC Africa iyadoo Ingiriisi ah waxana soo turjumay bahda Gabiley.net

logadagnn