16 Sariibadood ayaa Xoolaha Lagu Qalaa Waxa La Doonayaa in laba Qof Kooto loogu Xidho … Axmed Mumin Seed

Hargeysa(GNN):-Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay cabashada ay qabaan hiliblayda magaalada Hargeysa.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaarada arimaha gudaha horteeda oo ay ku sugnaayeen dad ka gadoodsanaa lacagta lagu kordhiyey ayaa waxa uu si weyn uga horjeedsaday lacagtaasi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Neefka adhiga ah ee ay qalayaan ee aad ogaydeen in ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxaya ee la doonayo inay dalka hogaamiyaan haweenkii gacanta ku hayey waa kuwaas gidaarka tuman , sababta gidaarka soo joojisay waxa weyaan 16 sariibadood ayaa xoolaha lagu qalaa waxa la doonayaa in laba qof kooto loogu xidho iyada ay kumanaan qof ku nool yihiin.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay hantidii umada ee ay dawladu gacanta ku haysay balse ay dad gaar ah ku wareejisay waxaanu yidhi “Dekedii ayey dawladu wareejinaysaa, waxay wareejisay laydhkii Hargeysa, waxay wareejisay laydhkii Berbera, waxay wareejisay Haamihii Shiidaalka, waxay wareejisay Somaliland-nimadii oo aanu ognahay inay hoosta kala heshiisay fadaraalnimadii Xamar Maantanan waxay soo gaadhay hiliblayaashii waana nasiib daro iyo maamul xumo.”seed

Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynuhu haddii ay talada dalku gacantiisa ku jirto oo uu wax ka ogyahay waa inuu u naxaa dadkiisa,kuwii shalay codka siiyey weeyaan dadkani, markii uu Daahir Rayaale dalka taladiisa dhiibayna waxa lala lahaa Daahir Dabadii Daba Lama Shidan, taas ayaanay maanta rumaynaysaa.”

Ugu danbayntiina waxa uu baaq u diray madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqaynaa xukuumada somaliland, dad badan ayaa xidhan, gudidii iyo haween badan ayaa xidhan kuwaas oo 75 qof ku dhaw taas oo xaaladoodo la og yahay, madaxweynaha waxaan ugu baaqaynaa hadii uu warbaahinta daawado umadii masaakiinta ahaa hortaada ayaa lagu gawracayaa warna uma haysid, dadka xidhana waa in si deg deg ah loo soo daayaa.”

Gabiley.Net
Gabiley Office