Aabaha Dhalay Caruurtii Hooyadood Todobaadkii Hore Booliska Norway Ay Toogteen Oo U Waramay Warbaahinta + Video.

Oslo(GNN)-Aabaha dhalay caruurta hooyada todobaadkii hore booliska dalka Norway ku toogteen gurigeeda hortiisa, oo markii ugu horeysay warbaahinta uga waramay sida wax u dhaceen.

Aabaha oo lagu magacaabo Jibriil Deeq Liibaan, ayaa magaaladda Oslo ugu waramay weriye Xasan Raasto oo tirsan weriyeyaasha Tvga Qaranka Somaliya laantiisa Oslo.

Hooyada dhibaatadu ku dhacday ayaa ahayd hooyo saddex caruur ah haysatay oo deganeyd xaafada Grønland ee badhtamaha magaalada Oslo, ayaa dadkii yaqaanay ku sifeeyeen qof dabci wanaagsan oo caruurteeda si wanaagsan u xanaanaysan jirtay, isla markaana wax fal dambiyeed ah aan hore loogu soo eedayn.

Dhacdadan ay booliska dalka Norway ku toogteen hooyada Soomaliyeed, ayaa warbaahinta dalkani si balaadhan wax uga qoreen. Qawmiyadda Somalida ee ku dhaqan dalkanina indho feejigan ku eegayaan baadhitaanka hay’adaha ay khusaysaa ku wadaan iyo habka hay’adaha garsoorku usoo af jaraan.

Waxa kale arimahan barbar socda is abaabul iyo wada tashiyo, ku arooraya mudaharaad qawmiyadda Somalidu ku muujinayaan dareenkooda ku aadan dhacdadan arxan darada ah.

Haddaba, wareysiga Aabaha oo maqal iyo muuqaal ahi waxa uu u dhacay sidan ee daawasho haboon:

 

 

Log11