Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil Oo Maayarkii Hore Usoo Bandhigay In Uu Hogaamiyo Golaha Deegaanka Berbera iyo Dareenada Ku Xeeran

Berbera(GNN)-Qeybo badan oo kamid ah Waxgaradka iyo Aqoonyahnka Gobolka Saaxil, ayaa la sheegay in ay usoo bandhigeen kana codsadeen Maayarkii hore ee Degmada Berbera Xildhibaan Cabdale Maxamed Cali(Cabdale-Sandheere), in uu isu diyaariyo hogaaminta Golaha Deegaanka Degmada Berbera maadaama arimo badani qaldameen islamarkaana, uu xubin ka yahay Golaha Deegaanka Degmadaasi, taas oo ay ugu laqimeen in ay ka Deegaan ahaan iyo Bulsho ahaan iyagu ka howlgali doonaan sidii loogu xidhi lahaa Xubnaha Xildhibaanada lasoo Doortey.

AMINA IYO CABDALLE

Dhaqdhaqaaqa arintan ayaa, soo baxay kadib markii ay mudooyinkii u dambeeyay Waxgaradka, aqoonyahanka, iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ka arinsanayeen arimo fara badan oo awood ahaan iyo duruuf ahaan xiligan usoo waajahay Gobolka kuwaas oo intooda ugu badani ka liiceen dhinaca Xildhibaanadii lasoo Doortey ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera,oo sida wararku tibaaxeen awoodii midnimadii iyo talo wadaagii lagu ogaa Reer Saaxil dhinacooda ka seexdey,taas oo sabab u ah wacyiga faraha badan ee badhkii kusoo waajahan yahay Deegaanka Marsada weyn ee Berbera, inkastoo dhaqdhadhaqaaqan cusub ee Waxgaradku ku waajahay Golaha Deegaanka Berbera qeyb ka yahay talooyinka laga yeeshay xiisada ka dhalatey in la badbaadiyo Haamaha Shidaalka ee dad gaar ah loo xidhayo, iyo meelaha kale ee Danta Guud haseyeeshee, wararkaasi waxey daaha ka rogeen in Xildhibaan Cabadale Maxamed Cali(Cabdale-Sandheere), tiraba laba jeer ka cudurdaartey in uu isku diyaariyo Xilkaasi maadaama hore looga hiiliyay Maayarka Xiligan Cabdishakuur Cidin oo aqoonyahan badan oo Gobolkaasi kasoo jeedaa xiligan u arkaan in uu yahay gacanta midig ee Xukuumadu u adeegsato Degmada Berbera iyo raga daaha dambe u taagan fikirka wareejinta Haamaha Shidaalka iyo Arimo badan oo kale,inkastoo kulanada lagu gorfeynayay in lagaga takhaluso Maayar cidin lagu soo qaadey Xubno badan oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Berbera sida Xildhibaan Saleebaan Cali Xirsi iyo rag kale hadana wali lama hayo Xubin ka waayo aragsan oo fursadaa uga faa,ideyn kara sida Bulshada Berberi raali uga tahay Maayarkii hore Cabdale Maxamed Cali(Cabdale-sandheere).

Maayarka Degmada Berbera ee Xiligan Cabdishakuur Maxamed Cidin, oo aan xiligan ku sugneyn dalka ayaa inta badan Warbaahinta kasoo tabiya Waxqabad iyo dedaal badan oo uu kusoo kordhiyay Degmada Berbera iyo Maamulka Golaha Deegaanka haseyeeshee, marka dhab ahaan hoos loogu dhaadhaco duruufaha Maamulkiisa ku gedaaman iyo cabashada shaqaalaha D/hoose waxaa dad badan oo kale ku eedeynayaan in uu qeyb ka yahay arimaha dilaalista Xukuumada dhexe kusoo faragalisey howsha Haamaha Shidaalka iyo wareejintooda iyo waliba arimo kale oo badan, isagoo mudo imika laga joogo sanad iyo dheeraad ku qabsadey Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera Munaasibad uu kula xulafoobayo Xukuumada talada haysa,islamarkaana kaga diga rogtey mowqifkiisii uu codadka badan ku helay ee Mucaaridnimada ee uu kaga soo baxay Xisbiga Ucid. Sikasta oo ay tahay Qorshahan ayaan wali la hor geynin Golaha Deegaanka Degmada Berbera maadaama ay wali qeydhiin tahay in lagu guuleystey in la helo ninkii badeli lahaa Maayar cidin hadii aanu Cabdale mar dambe aqbalin dalabka Waxgaradka iyo aqoonyahanka.
Gabile.Net
Berbara Office