Ardaygii Kaalinta Koowaad U Galay Ardayda Dugsiyada Sare Ee Somaliland Oo Baaq U Diray Xukuumada Somaliland

Hargeisa(GNN);-Ardaygii kaalinta koowaad ka galay imtaxaanadii fasalada afraad ee dugsiyada sare ee dawlig ah ee Jamhuuriyada Somaliland, oo lagu magacaabo Xamse Cumar Maxamed Guuleed, kana soo baxay Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin, ee ku yaalla magaalo madaxda gobalka Togdheer, ee Burco, ayaa ka waramay dareenkiisa ku wajahan guushan uu gaadhay iyo waxa uu hiigsanayo mustaqbalkisa waxbarasho.

Xamse Cumar Maxamed Guuleed, ku sugan magaalada Burco, oo khadka telefoonka ugu waramayay Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), waxa uu yidhi,

”Marka hore Ilaahay baa mahad leh, mar labaadka waxa aan si baaxad leh ugu faraxsanahay guushan aan gaadhay, taas oo ku kasbaday idimka Allah, iyo dadaalkayga,
arday
sidoo kale,guushaasina waxay sharaf iyo farxad u tahay Waalidkayga, Macalimiintayda, Iskuulkayga, Dugsiyada dawliga ah ee Somaliland, iyo guud ahaan magaalo madaxda gobalka Togdheer ee Burco, dhamaantoodna waan umahadnaqayaa.”

Xamse Cumar Maxamed Guuleed, mar uu ka hadlayay qorshihiisa ku wajahan sii wadashada mustaqbalkiisa aqooneed, waxa uu yidhi,

”Inkasta oo uu Ilaahay igu guuleeyay riyadaydii ahayd in aan noqdo ardayga kaalinta koowaad ka gala imtaaxaanada, hadana weli may joogsan hamigaygii sii wadashada aqoontayda sare ee Jaamacadeed, waxbarashaduna ma dhamaato oo bad, Isha Allahu waxa ii qorshaysan in aan galo Jaamacadaha ugu qiimaha badan, waxaanan aad ugu rajo weynahay maadaama aan noqday ardaygii ugu sareeyay imtaxaanada dugsiyada dawliga ah, in sidii caadada ahayd aan kaalinta koowaad ka galo oo aan ku soo baxo ardayda fursadaha u hesha deeqaha waxbarasho ee ay dawlada Somaliland, u dito Jaamacadaha dibadaha gaar ahaan Jaamacadaha ku yaalla dalka Turkiga, Waxaanan si weyn uga filayaa Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, in sidii caadadda ahayd, ay mudnaanta koowaad siin doonaan ardayda kaalmaha hore ka gashay imtaxaanada ee aan ka mid ka ahay in ay siin doonaan fursadaha deeqa waxbarasho ee heer jaamacadeed, waxaanan Ilaahay (SW), aan ka baryayaa in uu guuleeyo hanashada hiigsigayda waxbarasho,.” ayuu yidhi Xamse Cumar Maxamed Guuleed.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News  Office