Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa Oo Laga Bilaabay Markii U Horaysay Abid Khad Tareen + SAWIRO. 

 Dawladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya kaas oo isticmaalaya Koronto, waxaa ku baxday 470 milyan oo doolar.

tram

 

Tareenkan Cusub ayaa saacadiiba  wuxuu qaadi karaa 60 kun oo rakaab ah.

Tareenadan oo isugu jira Midabada cadaanka  iyo cagaar ah iyo kuwo buluug iyo cadaan ah waxa ay ka shaqayn doonaan k 34 km oo magaalada gudaheeda iyaga ooo koronto ku shaqaynaya.

Addis-ababa-light-Rail-Testing

 

Waxa ay adeeg siindoonaan hal milyan oo ruux maalintiiba qiimuhuna waxa uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii.  Mashruucani waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

d0f3a1e9

 Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiinays ah waxaana intiisa badan maalgaliyaybangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.

Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saac maalin kasta isla markaasna ay wax wayn katari doonaan cidhiidhiga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa._R7ktRVukWKtZE6M5u4h__aARiZc8o6XeIfod7n7gWY

Log11