DAAWO:Jawiga Shir Somaliland Iyo Itoobiya Ku Dhex Maraya Diri-dhaba + SAWIRRO.

Diri-Dhaba(GNN)-Shir siweyn looso agaasimay oo ku saabsan iskaashiga arrinaha nabadgelyada iyo xoojinta sidii looga wada shaqayn laha, ayaa uga firmay labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya Magaalada Diridhaba.

Shirkan waxaa dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, uga qayb galaayay Laamaha ammaanka iyo Masuuliyiin xilal culus haya, waxaana kamid ah Taliyaasha Ciidamadda Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka arrimaha debadda, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Badhasaabada Gobolada, Maroodijeex, Gabilay, Togdheer, Sool Iyo Awdal.

image154

 

 

Dhinaca Dalka Itoobiya madaxda shirkaas uga qaybgashay ayay kamid ahaayeen, Wasiirka arrimaha debadda ee Fadaraalka Itoobiya, Wasiirka arrimaha gudaha, Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, taliyaal ka socda laamaha ammaanka.

image155

 

 

Shirkan oo ah kii ugu balaadhna ee labada dal ku yeeshaan gudaha dalka Itoobiya, waxaa lagaga hadlaaya xaalada ammaanka ee labada wadan oo xuduud dheer wadaaga, taas oo labada waddan meesha kaga saarayaan wixii khatar ku ah nabadgelyada. Waxaa la filayaa inay shirkan ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u noqon doona mustaqbalka ammaan ee labada waddan.

image156image157image158image159image160image161image163