DAAWO:Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Faaqidaya Axsaabta Qaranka iyo Amuura Doora ah.

Hargeysa(GNN)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar, oo muddooyinkii u dambeeyay si dhaw isha ugu hayay siyaasadda Somaliland, islamarkaana ay soo baxayeen warar ku saabsan inuu doonaya inuu Xisbiyada uga dhex tartami doono musharaxnimada doorashada 2017, ayaa arrimahaasi wax laga waydiiyay, isagoo sheegay inay jiraan wada hadalo saddexda Xisbi qaran ee Somaliland u socda balse aanu wali meelna go’aansan.

 

Prof Samatar oo la waydiiyay xisbiga ugu dhaw saddexda Xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa ku jawaabay “ Ma ogi ka ugu dhaw, oo dee anigu xisbiyada madaxdoodii ma ahi. Aniguse waxaan arkayaa in saddexda xisbi ba yihiin xisbiyo sharaf leh oo tartankii Ururada badan ka soo hadhay oo mid waliba quwad gooni ah ayuu leeyahay, sidaas awgeed baan mid walba markay ii suuro gasho aan madaxdooda salaamaa oo aan la sheekaystaa iyaguna ay su’aalo I waydiiyaan, hadalo wanaagsana way na dhex mareen saddexdaba laakiin, ilaa maanta xisbi aan galay ma jiro. Waxaan sugayaa inaan wax walba ka fiirsado,” ayuu yidhi Prof-ku.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inuu khibrad badan ka dhaxlay xisbigiisii hiil qaran iyo doorashadii uu Somalia uga tartamay sidaas darteedna uu aad uga fiirsanayo boholaha siyaasadda si aanu ugu dhicin markale. Waxa uu sheegay inuu taxadar badan samaynayo “Soomaalidu waxay tidhaa mar I dage Alle ha dago mar labaad I dagena anigaa is dagay, markaa ma doonayo inaan is dago dee,markaa waa inaad aad iyo aad uga fiirsataa, haddii markaa la gali karo siyaasaddana dee waa la arki haddii aan la gali karrina waxa khayr ku yahay inaan dibadda iska joogo,” ayuu yidhi Prof-ku.

Prof. Samatar oo wax laga waydiiyay tuhunno ku saabsan inuu Kulmiye musharaxa madaxweyne ka noqonaya oo dhawaan soo baxay ayaa ku jawaabay “Ma ogi, waxaa laga yaabaa in dadku si gooni ah xisaabta iskugu dardarayaan oo shaxda iskugu gaynayaan, aniguse ma garanayo, halka dareenkaasi salka ku hayo. Xisbigu waa xisbi weyn oo wadanka u taliya, markaa waxa laga yaabaa in dadku isleeyihiin qofka rajo ka qaba siyaasaddu inuu xisbiga ugu weyn soo dhex joogsado, xisbiga madaxdiisuna si wanaagsan ayay waddanka iigu soo dhaweeyeen saddexdii goor een tagay, markaa halkaas baa laga yaabaa in dadku ka ursanayaan inay suuro gali karto inaan xisbiga ku soo biro, markaa casuumad xisbiga Kulmiye iiga timidna ma jirto aniguna wali Xisbiga Albaabkiisa ma garaacin wali,” ayuu yidhi Mr Samatar.

Prof-ka oo sii hadlaya waxa uu sheegay in Albaabka musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye iyo Waddani furan yahay maadaama aanay wali goleyaashooda dhexe isku iman oo aanay goosan musharaxa uga qayb galaya doorashooyinka soo socda.

“ Dad baa is odhan kara Xisbiga Kulmiye wali wuu bannaan yahay oo golihii wali may dooran cidda madaxda u noqonaysa, xisbiga Waddani laftiisa wali golihii iskuma iman oo ma goosan cidda uga qayb galaysa doorashooyinka soo socda, markaa isaga laftiisa albaabkiisu inuu furan yahay ayaa laga yaabaa, markaa labaduba sidaas bay u banaan yihiin, waxaan filayaa xisbiga qudha ee magacaabay cidda doorashada ugu qayb galaysaa inuu Ucid yahay,” ayuu yidhi Prof Samatar.

 

Log11