Dadka Danyarta ah Waa in Arimahooda Hoos loo eego, Maaha in askar lagu Fayliyo oo la xidho…Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa(GNN):-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay cabashada ay wali muujinayaan dadka ka ganacsada hilibka ee magaalada Hargeysa.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo dadweynaha cabanaya kula sugnaa xarunta wasaarada arimaha gudaha horteeda ayaa waxa uu ka hadlay cabashada ay dadkani qabaan, waxaanu fariin u diray wasiirka arimaha gudaha somaliland.

jamal

Ugu horayn Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya cabashada dadkaas ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu horjoognaa xarunta wasaarada arimaha gudaha, waxaanan halkan ugu nimid dadkan faraha badan ee iskaashatada Nafaqo ee hiliblayda magaalada Hargeysa oo halkan cabashadooda ka muujinayey mudo laba cisho ah, waxay ka cabanayaan iyada oo sixirka loogu qali jiray xoolaha ay shirkadii gaarka loo lahaa laba jibaar kaga
dhigtay, dadkani waa dad danyar ah runtiina waa in arimahooda hoos loo eego, maaha in askar lagu fayliyo oo la xidho.”

Sidoo kale Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inuu qof kastaaba xaq u leeyahay inuu cawdo balse aan loo baahnayn in xabsiyada lagu guro dadka waxaanu yidhi “Qof kasta oo reer somaliland xuquuq ayuu u leeyahay inuu cawdo, xukuumadu haday leedahay dadkii ayaan u kala hiilinayaa waa mid subxaana leh, waxa xukuumad loo doortaa waxa weeyaan inay dadka danyarta ah eegto arimahooda iyo cabashadooda, haddii wax lagu kordhinayana wax macquul ah in lagu kordhiyo weeyaan laakin waa lagu laba jibaarayaa waa qalad.”

Ugu danbayntii Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu fariin u diray wasiirka arimaha gudaha waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa wasiirka arimaha gudaha iyada oo aad moodo inuu baryahan samaynayo waxyaalo ay ka muuqato kali talisnimo, maantana waxaan arkayaa iyada oo 70 qof xidhan yihiin loona xidhayo maxaad u cabanaysaan, waxaan leeyahay dadku xuquuq ayey leeyihiin.”ayuu yidhi Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.

Gabiley.Net

Gabiley Office