Dugsiga Jiil Al Jadiid Oo Munaasibad U Qabtay Furitaanka Sannad Dugsiyeedka Waxbarasho 2015/2016 Ee Dugsigaasi.

Hargaysa(GNN):-Munaasibad lagu furayey sannad dugsiyeedka Waxbarasho ee 2015 ilaa 2016 laguna xidhayey sannad dugsiyeedkii dhamaaday ee 2014 ilaa 2015 ee dugsiga Jiil Al Jadiid oo ka mid ah dugsiyada hoos –taga Dallada Waxbarashada ee Geeska ayaa maanta lagu qabtay hotel Kaah ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Agaasimaha Waxbarashada Gaarka Ah ee Wasaarada Waxbarashada, Madaxa Xafiiska Waxbarashada Ee Haayada Geeska Afrika, Culimo-Awdiin, Waalidiin, Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsiga Jiil Al Jadiid Iyo Marti sharaf kale.

gg

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Jiil Al Jadiid Maxamuud Xuseen Muuse waxaana uu ka waramay ujeedka ay u qabteen munaasibadan waxaana uu yidhi:-“ Xafladan maanta isugu nimi waxa weeye xafladii furitaanka sannad dugsiyeedka 2015 ilaa 2016, sidoo kale waxa aanu xidhaynaa sannad dugsiyeedkii hore ee ina dhaafay ee 2014 ilaa 2015, waxa kale oo iyaduna ku lifaaqan in aynu maamuusno oo karaamayno qaar ka mid ah ardayda jiil al jadiid oo sannadkan runtii ka soo hooyey imtaxaankii shahaadada guul lama ilaawaan ah oo runtii aad iyo aad noogu dheer ka dib markii ay ka mid ahaayeen saddex arday kaalinta koowaad , ta labaad iyo kaalinta laba iyo tobnaad”.

Madaxa Xafiiska Waxbarashada Ee Haayada Geeska Afrika Jaamac Aadan Magan oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ay faraxad u tahay in ay ka haayad ahaan ka soo qayb-galay xafladan lagu maamuusayo ardaydii magaca u soo hoysay dugsiga Jiil Al Jadiid ee kaalmaha hore ka galay Imtaxaanka shahaadiga ah ee ay qaado haayada geeska afrika waxaana uu yidhi:-“aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa ardayda maanta halkan lagu maamuusayo ee ka gashay imtaxaankii u dhaxeeyey dugsiyada hoos yimaada haayada geeska afrika oo dhan ee kaalmaha ugu sareeya ka galay qaybta dugsiga dhexe”.

kk
Agaasimaha Waxbarashada gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Saree e Somaliland Muuse Maxamed Shide oo Munaasibadaasi isna hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay dariiqa ay inoo jeexday in ay raacno diinteena suuban ee islaamka iyo sida muhiimka ah ay u tahay umad ahaan in aynu u dabaqno waxa uu bogaadiyey maamulka dugsiga jiil al jadiid.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Maxamed Sheekh Cumar oo Munaasibadaasi soo gabagabeeyey ayaa amaan u jeediyey Maamulka ,Macallimiinta , Ardayda iyo Waalidiinta dugsiga jiil al-jadiid waxa uu dardaaran u diray ardayda sannadkan ka baxday dugsiga jiil al jadiid waxaana uu yidhi:-“ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh waxaana amaan mudan Maamulka ,Macallimiinta , Waalidiinta , Iyo Ardayda waxa aan odhanayaa oo aan u tahniyadaynayaa ardaydii maanta doonaysay in ay halkan ka sii gudbaan oo talaabo labaad ay sii qaadaan , ardayda waxa aan leeyahay ilaahay waxa uu ku karaameeyey bini-aadamka ,wuu ka karaameeyey oo makhluuqaadka oo dhan ayuu ka karaameeyey , haddana bini-aadamkii ilaahay waxa uu doortay kuwa caabuda ee toosan , waxaana ilaahay lagu gartaa aqoon oo qofku marka uu aqoon la yimaado ayuu ilaahay caabudayaa ilaahayna garanayaa, markaa maqsadka aad wax u baranaysaan yaanu noqonin in aad ku gaadhaan adduunyo laakiin aqoonta aad baranaysaan ha noqoto mid aad ilaahay ku raali-galisaan”.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Maxamed Aadan oo ku hadlayey afka urur ay ku bahoobeen ardaydii hore uga baxday dugsiga jiil-al jadiid Iyo Sheekh Cali Axmed Aadan oo ku hadlayey afka waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga jiil al jadiid, sidoo kale qaar ka mid ah ardayda ayaa halkaasi ku soo bandhigay waxyaabihii ay ka barteen dugsiga jiil-al jadiid.

Gabagabadiina waxa munaasibadaasi jaaisado lagu guddoonsiiyey saddexdii arday ee kaalmaha hore ka galay imtaxaanka shahaadiga ah ee ay qaado haayada geeska afrika kuwaasi oo kala ahaa Cumar Axmed Xariir oo ahaa ardaygii ugu sareeyey waxa jaaisad loo siiyey shan boqol oo dollar iyo computer,Sumaya Jaamac Faarax oo gashay kaalinta labaad Iyo Najma Maxamuud Ibraahim Oo gashay kaalinta laba iyo tobnaad ayaa iyagana jaaisad loo siiyey abaal marin dahab ah, sidoo kale waxa munaasibadaasi jaaisado lagu guddoonsiiyey ardaydii ugu saraysay sannad dugsiyeedkii dhamaaday.
Gabiley.Net
Gabiley Office