Golaha Wakiillada Oo Ku Adkaysanaaya Go’aankii Ay Ku Laalleen Heshiiskii Wareejinta Haamaha Shidaalka

Hargeysa-(GNN):-Xildhibaanada golaha Wakiilada Somalilad, ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad ah oo ka sii xoog badan kii ay ku laaleen wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera, ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha Somaliland, oo golaha dib ugu soo celiyay laalistii uu goluhu ku laalay wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera.

Inta badan Xildhibaanada golaha Wakiilada ee hore ugu codeeyay laalista wareejinta keydka haamaha Berbera, oo aanu qaar ka mid ah wax ka weydiinay waxa uu goluhu ka yeelayo soo celinta uu Madaxweynuhu golaha ku soo celiyay laalistan, ayaa iska daba maray in aanu waxba ka badalayn laalistii goluhu hore ugu codeeyay, waxaanay si isku duubni ah ay carabka ugu dhufteen in ay dib ugu celin doonaan Madaxweynaha, sidaana uu ku ansaxayso laalistoo goluhu sida uu sharciga dalku dhiggayo.

Dhinaca kale, waxa aan meesha alaga saari karin, suurtagalnimada ah in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay ku mashquulsan tahay isku day kasta oo ay ku meel marinayso in golaha wakiiladu uu dib uga noqdo laalistan, waxaana la saadaalin karaa in ay soo bixi karaan Xildhibaano faro ku tiris ah oo ay xukuumaddu dabada ka riixayso oo mooshin quutayaal ah, balse sida odorosku u badan yahay waxa la filayaa in ay xildhibaanada mooshin quutayaasha ah ay ka tiro badan yihiin aqlabiyad ahaan xildhibaanada hore ugu codeeyay laalista, imikana diyaarka u ah in iyaga oo isku duuban ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha.

gole

Xildhibaanada aqlabiyada ah ee golaha Wakiillada, ayaa ku doodaya in go’aankaa uu goluhu ku laalay arrintani, ay tahay mid meesha ka saaraysa ceebtii had iyo jeer dusha ka saarnayd golaha ee ay u soo jiidi jireen xildhibaanada xukuumuumadu dabada ka riixayso ee xagal daaciya mooshinada aan dantu ugu jirin xukuumadda, waxaaana la filayaa in hadii goluhu uu aqlabiyad ku ogolaado in madaxweynaha dib loogu celiyo, in ay talaabadani noqonayso mid kor u sii qaada sumcadii golaha iyo kalsoonidii ay xildhibaanada ku qabeen dadweynihii soo doortay.
Gabiley.Net
Gabiley office