Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ee West Midlands, ee dalka Ingiriiska, Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ee West Midlands, ee dalka Ingiriiska, Mustafe Haaruun Cabdilaahi (Tahar), ayaa naqdiyay jawaabtii uu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, uu ka bixiyay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee fadhigii golaha wakiilada ku dhex maray Guddoomiyaha Golaha Wakilada iyo ku xigeebkiisa Koowaad, waxaanu sheegay in hadalkaa Wasiirku uu ahaa mid aan macno lahayn oo guulwadayn ah oo uu Wasiirku si indho la’aan ah oo qeyrul sharci ah u taageeray gardaradii iyo ceebtii badheedhka ahayd ee uu Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladu ugu badheedhay in uu xilka ku qabsado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, oo uu kula dagaalamo, sidaana waxa uu ku faahfaahiyay mar uu goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Xafiiska Wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Gabileynews, ee Xafiiskiisa Gabiley isaga oo jooga magaalada Birmingham, ee dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ee West Midlands, ee dalka Ingiriiska, Mustafe Haaruun Cabdilaahi (Tahar), waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi,

”Waxa la yaab leh oo ayaan darro ah in jawaabtii u horaysay ee ay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ka bixiso dagaalkii gacan ka ahadalka ahaa ee dhex maray Guddoomiyaha Wakiilada iyo Ku xigeenkiisa Koowaad, ay noqoto mid aan macno lahayn oo aan si dhab ah uga run sheegin gardaradii cadayd ee aan geedna loogu soo gaban ee uu guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladu uu ku soo qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ee uu doonayay in uu ku inqilaabo, hadaba, waxa xukuumada u hadlay Wasiirka xukuumada u qaabilsan xidhiidhka golayaasha oo dhamaan cidii dhegaysatay ay la yaabtay waxa uu ku hadlay, Wasiirku marnaba soo qaadin gardarada Baashe, ee ay xukuumadu dabada ka riixayso, isaga oo iska indho tiray sifihii sharciga ahaa ee waafaqsanaa xeer hoosaadka golaha wakiilada ee uu Guddoomiye Ciro u maray arrintan ka cadhaysiisay Baashe, iyo cidii dabada ka riixaysayba, Sidoo kale, Wasiirkani, marka uu leeyahay waxay ahayd in uu Guddoomiyaha golaha wakiiladu uu la tashado ku xigeenadiisa, wuxuu wiilkan yar ee Wasiirka ahi u muuqdaa mid ka aradan oo aqoondaro ka hayso shuruucda dalka u taalla, iyo sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala golaha wakiilada, waana wax laga xishoodo in uu sidaa u hadlo isaga oo sheeganaya Wasiirkii xidhiidhkii golayaasha, markaa waxa la is weydiinayaa tolow inanka ma guul-wadayntaa halkaa la martay mise waa ka aqoondarro,”

Guddoomiye Mustafe Haaruun Cabdilaahi (Tahar), oo arrintan ka sii hadlaya waxa kale uu yidhi,
”Waxaanu si buuxda u taageersanahay af iyo adinba sifaha sharciga ah ee ay xildhibaanada golaha wakiiladu ku laaleen wareejinta iyo iibinta haamaha keydka shidaalka Berbera, iyaga oo difaacaya in illaalinta hantida qaranka ee lawada leeyahay ee ay xukuumadu ay ku wareejinayso sifaha sharci darada ah, sidoo kale, shacabka Somaliland, ma aqbalayaan in la dumiyo dawladnimada Somaliland, Golaha Wakiiladuna waxa uu leeyahay Guddoomiye kaliya, ee laba Gudoomiye Ma leh, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ha joojiso mu’aamaradaha danaha gaarka ahi ka danbeeyaan ee ay ku duminayaan golaha Wakiilada, Madaxweynahana waxa la gudboon maadaama uu yahay masuulki qaranka u sareeyay in uu joojiyo kooxaysiga ay xukuumadu ka dhex wado xildhibaanad golaha Wakiilada,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ee West Midlands, ee dalka Ingiriiska, Mustafe Haaruun Cabdilaahi (Tahar).
Gabiley.Net
Gabiley Office