Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Oo Ku Dhawaaqay Fasaxa Shaqalaha Dawlada Ee Munaasibada Ciida

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Maxamed Mixile Boqore ayaa ku dhawaaqay fasaxa ay galayaan shaqaalaha dawladu.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxa kale oo uu hanbalyo u diray guud ahaanba shacabka somaliland iyo madaxda dawlada.

Ugu horayn gudoomiye Maxamed Mixile Boqore oo ka hadlaya wakhtiyada ay fasaxa yihiin shaqaalaha dawladu ayaa waxa uu yidhi “Barito Carafa ayaa la taagan yahay waana sagaaloodkii, saa danbe oo ah Khamiis waa la ciidayaa, markaa laba cisho ayaa fasax la yahay ciidan, maalina waa maalinta ciida ee khamiista maalinta labaadna waxay ku dhacday Jimcaha oo fasaxii todobaadka markaa maalinta sabtidana fasax ayaa la yahay, Axada ayaa shaqada lagu soo noqonayaa sidaas darteed dhamaan shaqaalaha dawlada iyo madaxdooda waxaanu sheegaynaa in labada maalmood ee ciida Carafo fasaxa la yahay ay tahay Khamiista iyo sabtida, barina waa carafa oo la shaqaynayaa Axadana shaqada ayaa la soo galayaa.”

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada oo hadalkiisa sii wata ayaa hanbalyo u diray guud ahaan shacabka somaliland iyo madaxda dawlada waxaanu yidhi “Waxaan Hanbalyo u dirayaa madaxweynaha somaliland, marwadiisa, madaxweyne ku xigeenka iyo marwadiisa dhamaan shaqaalaha dawlada iyo xaasaskooda iyo guud ahaan shacabka somaliland oo aan ugu hanbalyeynayo munaasibada ciidal Adxa.”
Gabiley.Net
Gabiley Office