Gudoomiyihii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Xasan Waraaba Cade Oo is Casilay

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyihii xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland Xasan Waraabe Cade ayaa ku dhawaaqay inuu iska xasilay xilkaasi.

Xasan Waraaba Cade oo qoraal uu is casilaadiisa ku cadanayno soo gaadhsiiyey Gabileynews ayaa waxa uu sheegay inuu dhalinyarada dalka sidiisii hore ula shaqayn doon waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan “Anigoo Ah Haldoor Hassan Waraabacadde Waxaan si buuxda iskaga casilay Gudoomiyanimada Olymbiga shalay oo taariikhdu ahaayd 22.9.2015.

Waxaan cadeeynayaa in aan dhalinyaradda sidaaydii hore ee aan ugu adeegi jiray si mutadawacnimo ah aan ugu adeego wax kastana aan la qabto kamana caajisaayo maadaama aan u soo adeegay 21 sanadood.

Waxaan u rajeeynayaa in qarankeenu uu maalin maalmaha ka mida ahmiyadda koobaad siin doono dhalinyaradda iyo cayaaraha.

Allaa had mahad leh

Haldoor Hassan Waraabacadde