Hargaysa: Xildhibaan Doqox Oo Shacabka Somaliland Uga Digay Nooc Tuuga Ah Oo Ku Cusub Somaliland.

Hargaysa(GNN) Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) oo katrisan golaha deegaanka Caasimada Hargaysa ayaa sheegay in ay soo baxeen dad tuuga ah oo dadka intay qaraacaan usheeganay magac qof masuul ah dabadeedna ku odhanay halkaasi ayaan ku cadilanahee iisoodir lacag Zaada.

Xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta khadka telifoonka kula soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews xafiiska ay ku leedahay Hargaysa.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in inta Telifoon lagala Hadlay qaar kamida masuuliyiinta qaranka Somaliland loosheegtay magaciisa dabadeedna lagaga dhacay lacago.

Sdioo kale waxa uu xildhibaan Doqox sheegay in xataa ay jiraan dad dadka ku yidhaa waan idin dhoofinaynaa oo sidaasi shacabka lacag kaga cuno, sidaa daraadeed waxa uu xildhibaanku shacabka Somaliland uga digay inay ka digtoonaadaan tuugada cusub ee soo baxday ee sidaasi ku shaqaysanaysa.

Xildhibaanku waxa uu meesha ka saaray inaanu Doqox ahaan isagu cidna lacag waydiisan baahina uhayn inuu cid lacag waydiisto sidoo kale waxa uu cadeeyay inaanu isagu dadka aanu dhoofin shaqadiisana ahaynba inuu dad dhoofiyaa.

Cidii ubaahan inay la xidhiidhaan Xildhibaan Doqox waxa ay ka heli karaan Xarunta dawlada Hoose ee Hargaysa ama waxay kala Xidhiidhi karaan Lambarkan 0634880556.

 

Gabiley.Net

Gabiley Office