Hargeisa Dugsiyada Nuuradii Ayaa Maanta Xaflad Balaadhan Oo Debaal Dega u Sameeyey Aas-Aaskoodi Sanadguuradii 20aad

Hargaysa(GNN):-Munaasibada sannad guurada 20’aad ee dugsiyada Nuuradiin oo ay ka soo qayb galeen,xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland,saddexda xisbiga qaran ,Aqoonyahano,culimo aw diin iyo maamulka iyo macalimiinta dugsiyada Nuuradiin ayaa lagu qabtay Magaalada Hargaysa
Munaasibadan oo hadyado lagu guddoonsiinayay 693 Arday oo ka qalin jabiyay dugsiyada Nuuradiin iyo Ardaygii ugu sareeyay Somaliland imtixaankii qaranka ayaa waxa ugu horeyn madashaasi ka hadlay Maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwaa ee uu soo maray dugsiga Nuuradiin iyo hiigsiga fog ee laga leeyahay .DSC00109.JPGDSC00020.JPG

“Illaahay ayaan in badan mahadinaynaa,labaatan sannadood ayaynu ka joognaa markii dugsiyada Nuuradiin bilaabeen,laakin waxa ceeb
iyo xumo ka hufan Illaaha amuuraha kala bedbedala,labaatan sanno ka hor maanta oo kale waxa ay ahayd maalin ka duwan tan aynu fadhino,waxa ay ahayd 1995kii,waxa waddanka ka jiray dhibaatooyin,dadku qoxoonti ayay ka soo galeen qaarna way ku maqnaayeen intii joogtay ee waddanka soo gashay duruuf adeg ayay la lagdamayeen,waxbarashana qof waaqicaa ku jiraa wax uu ka fikirayay may ahayn”Ayuu yidhi Mahad Ibraahin Maamulaaha guud ee iskuulada Nuuradiin.
Waxa uu sharaxay sidii uu ku bilaabay dugsiyda Nuuradiin sannadkii 1995kii iyo marxalada uu maanta marayo.
“Dugsiyada Nuuradiin waxa uu ku bilaabay qol yar siddeed arday cawyar ku fadhiista macalin kaliya,waligayna kama fikirin maanta oo kale ayaad soo gaadhi kartaa,laakin hal shay ayaa ii caddaa oo ah inaan dad soo saaro oo aan dadaal sameeyo aniga iyo kooxda faraha badan ee ninba mar ku soo biirayay oo aan maanta halkan uga mahad naqayo,waxa uu hiigsigayagu ahaa inaanu soo saarno arday reer Somaliland ah oo aqoon,dhaqan iyo diin intaba ka dhisan,waxa jirta xikmad carabi ah oo tidhaah Waxa Aniga Dushayda Ah Inaan Ordo Oo Dadaalo Laakin Inaan Guusha Gaadhaa Maaha Wax Dushayda Waajib Ku Ah.
Guushii alle waa na gaadhsiiyay,farqiga u dhexeeyana waad aragtaan,8-dii arday waxa ay marayaan 21 kun oo arday,qolkii yaraana waxa uu marayaa inay dugsiyada Nuuradiin iskugu jiro mid dhexe,Sare iyo KG-yada ,macalinkii kaliya ahaa waxa uu marayaa 900 oo maamul iyo macalimiin iyo gaadiidka basaska iskugu jira ayay marayaan Alle ayaa mahadle”Mahad Ibraahin Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Qoraa Boobe Yuusuf ducaale oo sheegay in Maamulaha dugsiyada Nuuradiin uu wali daba socdo xariiq uu hore u jeexday sidii u gaadhi lahaa.
“Waxa aan hambalyaynayaa Nuuradiin iyo intii la soo hawl gashay,waxa aad eegaysaan 20sanno ka hor waxa uu Nuuradiin ahaa,qaar ayaa Micirafoonada isa soo hortaaga oo yidhaahda madaxdii bari ayaanu nahay ,waxa taallo idiin ah oo tusaale idiin ah oo aad ka fikiraysaan halka uu maanta Nuuradiin taagan yahay,markuu lahaa Mahad halkan inaan gaadhayo maan filay ,wuu af gobaadsanayay laakin halkan iyo meel ka saraysaba wuu hiigsanayay”Boobe Yuusuf Ducaale
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waawayn ee Somaliland ayaa ka hadlay fikirka iyo aragtida uu ka qabo dugsiyada Nuuradiin,isagoo sheegay in dhammaan caruurta uu dhalay ay ka wada baxeen dugsiyada Nuuradiin.
“Ilmaha qur’aanka inta ku soo aroortay in wax la baro waa marka saddex loo qaybiyo qayb ka mid ah.Inanta maanta A star haysata ee macalinkii soodaaniga ah ee kulliyada NIIL haysta,markii uu I waydiiyay meeshii ay wax ku soo bartay waxa aan u sheegay in ay wax ku soo bartay dal la dulmiyay,oo carabi dulmisay,oo adunida kale dulmisa oo Nuuradiin ayay ka soo baxday ayaan ku idhi”Sheekh Aadan Siiro. Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hambalyo u diray maamulka,macalimiinta iyo ardayda dugsiyada Nuuradiin,isagoo sheegay in Mahad Ibraahin ka dhabeeyay qayb ka mid ah hiigsigiisii.
“Haddii aan eegno Nuuradiin dadaalka uu sameeyay ilaa maanta ilaa maalintii uu caaga ku fadhiyay,waxa uu ahaa qof qorshe samaystay,oo hiigsi lahaa oo dadaal la yimid,waxa uu maanta ku fikirayaa inuu jaamacada sameeyo alle ha ku garab galo”Faysal Cali Waraabe. Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in tayada waxbarasho ee dugsiyada Nuuradiin ay ka muuqato Ardayda ka soo baxda,iyadoo ardayda ku dhiirigalisay inay dadaalkooda halkaasi ka sii waddaan.
“Farxad wayn ayay ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo munaasibadan aadka u quruxda badan ee dugsiyada Nuuradiin maamulkiisu nagu marti qaadeen,waxa aan ka markhaati ah in arday badan oo ka soo baxay Dugsiga Nuuradiin ay tartan u galaan tababarada aanu ka furno Jaamacada EDNA AADAN,waxa ay taasi marag u tahay tayada waxbarasho ee ay ka helaan dugsiyada Nuuradiin ,haddii aanu waxbarasho tayo leh ayn intaasi oo arday laguma aamineen,waxaan leeyahay Maamulka Nuuradiin alle ha idinka abaal mariyo xilkaasi aad umada u haysaan. Ardayada waxa aan doonayaa inaan laba kalmadood idhaahod,haddii ay daan dadaali oo ay daan hiigsi lahayn meel gaadhi maysaan,dadaala oo hiigsi iyo hadaf go’an yeesha’Dr Edna Aadan Ismaaciil .

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sharaxay tayada waxbarasho ee dugsiga Nuuradiin,isagoo balanqaaday in ay ka xukuumad ahaan is barbar taagayaan dugsiyada Nuuradiin,waxaanu ugu hambalyeeyay heerka uu maanta taagan yahay,isagoo sheegay in tayada aqooneed ee dugsigani gurigiisa ugu soo gashay oo qayb ka mid ah caruurtiisu ka qalinjabiyee.
“Qarankeenu waxa uu ku talaabsanayaa horumar sidaa uu iskuulka kaliyii ugu talaabsaday horumarka,waxa aan leeyahay dadaalkaa aad wadeen shalay haddii aanu idinku barbar taagnayn annagoo shaqsi ah maanta waxa aan idin leeyahay ka xukuumad ahaan waanu idinla garab taaganahay,waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa maamulka iyo macalimiinta oo aanan ahayn mid u soo joogay bilowgii Nuuradiin laakin aan ka noqday waalid oo inankaygii curad ee maalintii la bilaabay uu maanta ka qalin jabiyay,aad ayaan ugu hambalyaynayaa tayada iyo aqoonta ay dhigaan maaha mid la ii sheegay ee waa mid guriga iigu soo gashay”Wasiirka Madax tooyada Somaliland.Xaaji Cabdi Xuseen(Cabdi-waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa isna geestiisa munaasibadaasi ka jeediyey hadal duco u badnaa isagoo ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee qarankani soo maray , waxa uu dalka iyo dadka reer Somaliland eebe uga baryey in uu kor uqaado isagoo shacabka iyo xukumada Somaliland-na ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dalkani u guulaysan lahaa, waxa uu si aada ugu duceeyey dugsiyada Noradin.
Faadumo Siciid Ibraahin ayaa dardaaran u dirtay ardayda dugsiyada Noradin waxaana ay u soo jeedisay in ay kor u qaadaan waxbarashadooda maadaama oo ay yihiin mustaqbalkii qarankani lahaa isla markaana ay ku dadaalaan salaada iyo alla ka cabsiga alle.
Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo Wasaarada Waxbarashada Somaliland eegaysa muhiimada ay leeyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay in ay u samaysay agaasin gaar ah kaas oo ka masuula waxyaabaha ku saabsan arimaha dugsiyada gaarka ah, wasiir ku xigeenka waxa uu ku amaanay dugsiyada Noradiin kaalinta wax ku oolka ah ee uu kaga jiro wax-barida da’yarta reer Somaliland isagoo xusay in Wasaarada Waxbarashada Somaliland ay qayb ka tahay qorshe la rabo in shaqo loogu abuuro dhanliyarada wax soo baratay ee reer Somaliland.
Axmed Muumin Seed Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa isna dhiniciisa sheegay in ay soo dhawaynayaa ardayda sannadkan ka baxday dugsiyada sare ee Noradin waxaana uu dhanliyarada reer Somaliland ee ku jirta dugsiyada dalka uga digay in ay ka tahriibaan dalkooda una hamiyaan gaadhida dalal kale oo shisheeye ah balse taas baddelkeeda ay ku dhiiradaan fulinta abaalka dalkoodu ku leeyahay si ay u soo celiyaan tacabkii la galiyey .
Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Somaliland ayaa isna ka hadlay kaalinta dugsiyada Noradin ay ugu jiraan waxbarashada dalka, waxa uu sheegay in ubadka waxbaranaya ee maantu ay yihiin mustaqbalkii dalkan ee looga baahnaa in ay u sii tabcadaan sidii ay mustaqbalka ay u hogaamiyaan lahaayeen dalkooda.
Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arimaha Dibbada Somaliland waxa uu u rajeeyey Dugsiyada Noradin in la arko mustaqbalka iyagoo gaadhay heer jaamacadeed.
Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee kulmiye oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn bogaadiyey maamulka iyo macallimiinta dugsiyada Noradin isagoo ka waramay sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay waxbarashada Somaliland iyo dhibaatooyinkii ay la kulmeen dadkii hormuudka u ahaa waxbarashada Somaliland waxaana uu yidhi:-“Marka hore dhamaanteenba waxa aynu hambalyeeynaynaa Noradin, Macallimiintiisa iyo ardaydiisa guushaa aad labaatanka sanno gaadheen, tacliinta Somaliland iskuulkii ugu horeeyey waxa laga furay 1898-kii magaalada Berbera iskuulkaa may galin somalidu waxa galay hindi iyo carab, soomaalidu way diiday in ay qaadato tacliinta 1922-kii burco waxa ka dhacay mudaharaad lagu diidanaa in iskuulada la furo”.DSC00109.JPG DSC00014(1).JPG DSC00020.JPG DSC00109.JPG DSC00203(1).JPG DSC00238.JPG DSC09197.JPG DSC09233.JPG DSC09245.JPG
Munaasibadan ayaa dhammaadkii shahaadooyin iyo hadyado lagu guddoonsiiyay labadii arday ee imtixaanka ugu sareeyay Somaliland oo kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cige iyo Saynab Axmed Maxamuud Sarhaye,iyadoo sidoo kale jaa’isado kala duwan la siiyay 693 Ardya oo 346 inamo yihiin halka 347 hablo ahaayeen.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Office