Hargeysa:-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shuruud Ku Xidhay Musharaxnimadiisa Madaxweyne.

Hargeisa(GNN):-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu musharax u yahay jagamada madaxweynaha ee somaliland

Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa waxa uu shuruud ku xidhay musharaxnimadiisa, isaga oo fariin u diray musharaxiinta kale e eay isku haybta yihiin ee ku loolamaya musharaxnimada xisbga Kulmiye

Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Halkan waxaan fariin uga dirayaa sadexda nin ee  kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale,Maxamed Biixi  Yoonis Iyo Muuse Biixi Cabdi waxaanan leeyahay beel ayaad ka soo jeedaan mana doonayno inay beeshaasi kala jabto, waxaanan idiin soo jeedinayaa inaad sadexdiinu isku tagtaan oo aad nin kaliya noo soo saartaan iyo inaan anigu  idin  marti qaado dabadeedna waxaan hayaa qaabkii ugu

wanaagsanaa ee aan idinku kala saari lahaa midkiina ma diidi karo.” Ayuu yidhi xildhibaan Xasan Cawaale oo la hadlay Startv

Sidoo kale waxa uu xildhibaanku sheegay inay muhiim tahay inay musharaxiintani tanaasul sameeyaan, hadii ay taas ku dhaqaaqi waayaana uu ka mid yahay musharaxiinta tartamaya waxaanu mar kale yidhi “Waxa wanaagsan oo qurux badan in tanaasul la sameeyo, beeshuna wada hadal iyo is afgarad iyo kala danbayn ayey ku dhamaysataan hawlaheeda, hadaad diidaan labadaas qodob ee aan idiin soo jeediyey waxaan idiin qabanayaa shan cisho intaas ka dibna waxaan ahay musharax u taagan  jagada madaxweynaha somaliland.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xildhibaan Xasan Cawaale.