DAAWO “Kalsooni-baan Ku Qabaa Shacbigayga Iyo Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE-ba, Waa In Damuuxa Iyo Damaca…….” Samaale

Hargaysa(GNN):-Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay shaaciyey inuu u tartamaayo Murashaxa Madaxweyne ee Somaliland, kadib markii uu in muddo ah saaxadda siyaasadda Somaliland ka gaabsaday sababo isaga u khaasa awgeed.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo arrimahaas ka hadlaaya ayaa yidhi
“In badan Warbaahinta waan iska dhawray, waanan jecalahay inaan iska dhawro, sababtoo ah qofku marka uu Xil hayo, dabadeed-na uu Xilka ka tago inta badan waxa loo bartay in qofku halkii uu Xilka ka hayey uu dhaliilo, taasi xaasha oo qof sharaftiisu intaa ka wayn tahay ayaan ahay, sidaa daraadeed Saxaafadda waan ku yarraa. Hankaygii Murashaxnimo ee Madaxweynaha

Somaliland Md Axmed Siilaanyo dabaddii waa siddiisii, waanan u taagannahay oo waan u sharaxannahay jagaddaas, waanan tartamayaa marka uu furmo tartankaasi, waxaan u sheegayaa taageerayaashayda, Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga iyo aasaasayaashiiba in go’aankii aannu isku ogayn uu halkiisii yaallo oo aanay wax-ba iska bedelin, waxaan aad ugu faraxsannahay muddaynta shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE, waanan soo dhawaynayaa.

“Xaqiiqatan Xisbiga KULMIYE waa Xisbi balaadhan, waa Xisbi wayn oo ay isugu yimaadeen dad badan oo dumuuc siyaasadeed lehi, waxaan ka mid ahay dadkii Xisbigaas aasaaskiisii kala qayb-qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ee hawshii Xisbiga KULMIYE qayb ka soo qaatay, odhan maayo kali baan ku ahaa, odhan maayo anigaa u mudnaa, laakiin waxaan ka mid ahaa dadkii hawshaa xisbiga laf-dhabarta u ahaa. Xisbigu maraaxil badan ayuu soo maray xil uu mucaarid ahaa iyo xil uu aasaaskiisuba taagnaa, maraaxilkaa kala duwan qofba meel ayuu Xisbiga kaga soo biiraayey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalkan

 

 

Gabiley.Net

Gabiley Office