Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi Gaadhsiinaya Ehelada Sadex Marxuun Oo Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka tacsiyadaynaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) geerida ku timid hooyadii Marxuumad Hindisa Cabdi Jaamac oo ku geeriyootay maanta 22/09/2015 Dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumadu.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Waayeelka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka Aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Cali Maxamed Geedi (Cali Ardo) oo ku geeriyooday 21/09/2015, Degmada war-idaad oo ka tirsan Gobolka Saraar.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqan oo ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, in badana ka soo shaqeeyey nabad kuwada noolanshaha shacbiga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka ugu da’a weyn dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka Aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo ku geeriyooday Masjidka Barakaysan ee Xaramka.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.

Waxaanu Suldaanka ku tilmaamay madaxweynuhu tiir ka baxay bahda dhaqanka, isagoo in badan ka dhexmuuqday xalinta arrimaha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee wada dega Somaliland, kana mid ahaa oday dhaqameedkii salka u dhigay qaranimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.