Manchester United Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay Southampton, Anthony Martial Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Red Devils Oo Kaalinta Labaad Ka Soo Gashay Kala Saraynta Horyaalka

Manchester United ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Southampton iyada oo kulan xiiso badan oo kooxahan dhex maray ku soo guulaysatay 3:2. Inkasta oo Man United gool looga hormaray ayay haddana ka soo kabsatay waxaana Man United laba gool udhaliyay da’yarka wacdaraha la soo baxay ee Anthony Martial halka uu goolka saddexaad sii raacsaday Juan Mata. Laakiin goolka hore ee Martial ayaa ahaa gool uu muran offside ahi ku jiray. Saints ayuu labada gool udhaliyay Pelle.

mm

Manchester United ayaa marti u ahayd kooxda Southampton wuxuuna kulankani labada kooxoodba u ahaa mid muhiim ah. Louis Van Gaal iyo Ronald Koeman oo ree Holland ah ayaa markale iskaga hor yimid kulan aad u xiiso badnaa.

Southampton ayay afar kulan ku qaadatay inay guusheedii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan gaadho iyada oo kulankeedii afaraad 3-0 ku garaacday Norwich, laakiin Saints ayaa laga soo cidhib tiray Europa Leaque-ga oo ay ku hadhay isreeb reebkiisa.

jj

 

Manchester United ayaa kulamadii ugu danbeeyay soo bandhigtay qaab ciyaareed aan joogto ahayn, waxayna ahayd kulan ay guulaysato iyo kulanka xiga oo guuldaro ahaa. Man United ayaa Swansea City guuldaro kala kulantay waxayna guuldaradaas isku ilawsiisay guushii ay Liverpool ka gaadhay balse markale Red Devils ayaa waji gabax kala soo kulantay kulantay kooxda PSV kulankii Champions Leaque-ga ugu horeeyay ee ay United ciyaartay.

Kulankan ayay Southampton ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican iyada markiiba fursado ku bilaabatay ciyaarta taas oo keentay inay daqiiqadii 13 aad hogaanka ciyaarta la wareegto kadib markii uu Graziano Pellè kooxdiisa Saints udhaliyay goolkeeda furitaanka wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Southampton hogaanka ciyaarta kula wareegtay.pelle

Darbo fiican oo uu Mane ku tuuray goolka Man United ayuu marka hore David De Gea si fiican iskaga badbaadiyay laakiin difaaca Man United ayaa shaqadooda gabay waxaana kubabda meel cidlo ah oo goolka Man United horteeda ah ka helay Graziano Pellè oo markiiba kubbada dhamaystiray.Graziano Pelle
Southamptona ayaa marar kale ku sigatay inay la timaado goolka labaad waxaana halis joogto ah ku abuurayay difaaca United Pelle iyo Mane oo fursado fiican helay.Pelle ayaa daqiiqadii 15 aad si fiican kubbad uga farsamaystay difaaca Man United balse darbadiisa ayaa birta goolka ku dhacday.

Daqiiqadii 26 aad ayay Southampton ku dooday inay rekoodmnhe heshay kadib markii uu Rojo cadaadis saaray Tadic balse garsooraha ayaan waxba tilmaamin.Saints ayaa u muuqtay inay kalsooni badan ku ciyaaraysay halka ay Man United ku dhibtoonaysay kubbad deg deg ah ee ay Southampton ciyaarta ku bilaabatay.

Laakiin Manchester United ayaa fursad ay goolka barbaraha kula timid heshay daqiiqadii 34 aad kadib markii uu Anthony Martial kooxdiisa Man United u dhaliyay goolkeeda barbaraha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. Martial ayaa sidaa ku dhaliyay goolkiisii labaad ee Premier Leaque-ga wuxuuna markale muujiyay tayadiiisa ciyaareed.Martail1

Xidiga Southapton ee Yoshida ayaa ka soo kabsaday kubbad uu Juan Mata ku dhex helay xerada ganaaxa Southampton isaga oo takal fiican kubbada kaga dilay laakiin kubbada ayaa si naxariisleh ugu tagtay da’yarka ree France wuxuuna Martial si deg kubbada ugu hubsaday shabaqa Saints.Martial

Juan Mata ayaa u muuqday inuu offside ku jiray intii aanu kubbada uu Martial goolka ku dhaliyay helin basle calan walaha ayaan waxba tilmaamin inkasta oo ay muuqaladii iyo sawirada danbe muujiyeen in Mata uu offside ku jiray. Qaybta hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay barbaro 1:1 ah.Mata

Mata11

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester United soo laabatay iyada dardar fiican ku socota waxayna markeeda culays ku bilawday difaaca Saints.Waxaana Man United goolkeeda labaad daqiiqadii 50 aad udhaliyay Anthony Martial kaa soo markan ka faa’iidaystay qalad uu sameeyay difaaca Southampton iyada oo Yoshida uu kubbad liidatay dib ugu furtay Fonte taas ayaana keentay in Martial uu ku ciqaano wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Man United markeeda hogaanka kula wareegtay.Martial

Daqiiqadii 68 aad ayuu Juan Mata culayska ka dulqaaday kooxdiisa Man United isaga oo markiisa goolkan ku dhaliyay kubbad uu Depay birta ugu garaacay Saints isla markaana Mata ayaa ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Man United hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.Mata1

Laakiin Southampton ayaa dadaalkeeda joojin waxayna intaa dagaal ugu jirtay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd, waxayna rajadeeda markale soo noolaysay daqiiiqadii 86 aad iyada oo uu markan gool madax ah udhaliyay Graziano Pellè kaas oo kubbad fiican ka helay Sadio Mané waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay wali Man United hogaanka ciyaarta ku hayso.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Southampton culays badan saartay waxaana dhamaadkii ciyaarta David De Gea badbaadin culus ku sababay Victor Wanyama laakiin Man United ayaa halista iska difaacday waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3:2 ay Man United ku soo gaadhay guul muhiim ah.