Mid Kamid ah Qurba Jooga Ugu Miisaanka Culus Beesha Warsangali Oo Qado Sharaf Ku Maamuusey Suldaanka Guud ee Warsangali

Hargeysa(GNN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, ayaa ka mahad celiyay Qado sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu Suldaanka kiyo Martida lasocota ku maamuusey Aqoonyahan Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(jiifka), oo kamid ah aqoonyahanka Beesha Warsangali ee Qurba jooga ah oo hada ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibadan qado sharafta ah ee lagu maamuusey, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka dhacdey Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa,waxa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka(Guurtida iyo Wakiilada), aqoonyahano,Duqey iyo Waxgarad tiro badan oo kasoo jeeda Beesha Warsangali iyo Duqey iyo odayaal kamid ah Xubnaha Waftiga ku wehelinayay Suldaanka ee kala soo baqoolay Deegaanada Sanaag Bari.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,oo qado sharaftan kadib halkaa ka jeediyay hadal kooban ayaa uga mahad celiyay Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(jiifka), martiqaadka qiimaha leh ee uu ku maamuusey isaga iyo Xubnaha Waftiga la socda,waxaanu Suldaanku kusoo gunaanadey in ay martiqaadkan uga ajiibeen si sharaf iyo karaamo leh.

Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa, mudooyinkan ku sugnaan doona Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo ay suurtagli weyday kulan ay u balansanaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),oo socdaalkoodu kusoo beegay xili uu dalka dibadiisa safar ugu baxayo balse, la filayo in negaan doonaan inta uu kasoo gurya noqonayo, Waxaana la hadalhayaa Martiqaadyo iyo kulamo door ah in uu la qaadan doono mudada uu joogo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland.
 

Gabiley.Net

Gabiley Office