Hoos Ka Dhegayso Muhaajiriin Tiradoodu Kor Udhaaftay Kun Qof Oo Ay Ku Jiraan Dumar Iyo Ciyaal Yaryar Oo La Badbaadiyay.

London(GNN):-Dalka Talyaaniga ayaa shalay oo isniin ahayd soo bad-baadiyay muhaajiriin gaaraya 1,151 qof oo ka mid ah tahriibayaasha kusoo qul-qulaya qaaradda Yurub.

Dadkaasi ayaa waxaa ka jira haween iyo carruur badan, waxaana laga soo daad gureeyey jasiiradaha Lambaduzza iyo Pazalo ee Talyaaniga.

Dhinaca kale Gollaha Midowga Yurub ayaa sheegay in ay dhowaan billaabi doonaan wajigii labaad ee howlgaladda ciidanka Midowga Yurub ee badda Meditareeniyaanka.

Howlgalkan cusub, ayaa waxaa loogu magac dari doonaa “Safiya” oo ah gabar yar oo Soomaaliyeed oo ku dhalatay Markab laga leeyahay Jarmalka oo soo bad-baadiyay tahriibayaal ay ka mid ahayd hooyada dhashay Safiya oo iyaduna Soomaali ah.

Waxaa warbixin nooga soo diray arrintan Wariyaha VOA-da Ridwaan xaaji Cabdi Weli.

Halkan Ka Daawo Oo Dhegayso Dhacdadan.