Mujaahid Cali Gurey Oo Ka Hadlay Fanaaniin Reer Hargeysa Ah Oo Muqdisho Ka Dagay
Hargeisa(GNN):-Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) Ayaa Ka Hadlay Qaar ka mida Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Bandhig Faneed U tagay Caasimada Somalia Ee Muqdisho.
Cali Guray Oo Qoraal Kooban Soo Dhigay Barta Internet Facebooka Ku leeyahay Ayaa Waxa Uu dhignaa Sidan “Fanka iyo suugaantu xuduud ma laha Hadii ay Maraykanka tagaan ama laga Casumo oo Calanka maraykanka huwadaan macnuhu maaha Maraykan bay noqdeen.
Xidigaha geesku hadii ay noqdeen horyaalka kooxaha fanka Soomaaliyeed, Somaliland ma ceeb bay ku tahay mise waa siday ahaan jirtay oo weli kaalintii hal abuurka Soomaaliyeed REER Somaliland baa ku jirta.
Xidigaha Geesku waxay xejiyeen kaalintii hormoodnimada ee fanka iyo suugaanta ee WALAALO HARGEYSA oo caan ahaa dabayaaqadii
afartaneeyada iyo kontaneeyadii intii aan la furin HARGEYSA REDIO SOOMAALI” ayuu yidhi cali Maxamed Yuusuf Oo Qoraal kooban ku baahiyay Facebookga