Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Oo La Sheegay In Khilaaf Ka Dhex Qarxay + Sababta

Hargeysa(GNN) Warar isa soo tarayaa ayaa ka soo baxaya Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Hogaanka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kuwaasi oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maxamed Kaahin.

Ilowareedyada warkan aanu ka soo xignay waxay sheegayaan in sababta khilaafka keentay ay ka dhalatay ka dib markii guddoomiyaha xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhalinyarro beeshiisa ah oo taabacsan u diray magaaladda burco si ay wadahadalo siyaasadeed ula soo yeeshaan beesha madaxwaynaha somaliland ee degta gobolka togdheer.

rr

balse guddoomiye ku-xigeenka xisbiga kulmiye mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka biyo diiday qorshaha gudoomiyuhu ugu waydaartay beeshiisa isagoon wax tallo ah ka siin dhalinyaradda taabacsan ee uu u diray magaaladda burco, waxaanay taasi keentay in Maxamed Kaahin Muuse Biixi kula dhiirado weedho xanaf leh oo lidi ku ah kuwaas oo sababi gaadhay in labadda masuul is fara saari gaadheen sida ay nooxaqiijiyeen ilowareedyo ku sugnaa goobtu

qodobadda kale ee keenay in wakhtigan labada masuul is khilaafaan ayaa la sheegay inay kamid tahay kadib markii guddoomiyaha Kulmiye hindisay qorshe uu ku doonayo inuu shirwaynaha soo socda jagadda guddoomiye ku xigeenka kulmiye ugu ololeeyo wasiirka duulista iyo Xasan Gaafaadhi oo uu doonayo inuu midkood ka dhigo gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga kulmiye

Inkasta oo khilaafyo badan loolanka Kulmiye sababay haddana waa markii u horaysay ee labada masuul ee Kulmiye u sareeyaa is Khilaafeen, iyadoo la rajaynayo loolan adag oo xisbigaasi fooda la iskugu daro musharaxnimada iyo jagada guddoomiyaha iyo kuxigeennada.

 

Source-Waaheen