.”Qodobka 12naad ee dastuurka ayaa Xukuumada u fasaxaya in Ay iibin Karto Ama kirayn Karto.

Hargaysa(GNN)Xukuumadda Somaliland ayaa Markii Ugu horaysay ka hadashay Labada Guddoomiye ee fadhiga Golaha Wakiilada oo Socda Dhexdiisa isku Fara Saaray,waxaana ay Xukuumadu Soo jeedisay in Ay Dhexdooda wixii khilaaf ee yimid dhamaystaan,iyaga oo Nasiib daro Soo wajahday ku sheegay gacan ka hadalkaas.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa cadeeyay in Ay Xukuumadu Xaq u leedahay in Ay iibiso Kirayso Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera,Balse Khilaafka golaha uu dhaliyay Guddoomiye Cirro oon la tashan Labadiisa Ku xigeen,golaha u diiday in Mooshinka La keenay codayn Galin waayay.

Cali Xaamud Jibriil waxa uu ka hadlay Ciidanka Booliska ee Saaka la wareegay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland,kuna Tilmaamay qaar amaanka Sugaya,madaama oo Xildhibaanada iyo Shirguddoonkuba Aanay sku laab-xaadh-nayn waxaana uu yidhi.

“Hadaanu Nahay Xukuumadda waanu Tageersan Nahay in Xal lagu Soo dabaalo Xaalka Golaha Wakiilada Somaliland,waanan ka Xunahay wixii shalay Golaha ka dhacay iyo Gacantii la isku qaaday waana arin aan ku fiicnayn Dimuq-raadiyadeena Curdinka Ah,arinkaasina waa mid aad looga Xumaado,waa la isku iman Doonaa oo arinkaas dhacay sida ugu haboon ayaa lagu dhamayn Doonaa.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista Golaha Wakiilada somaliland waxaana uu yidhi.”Qodobka 12naad ee dastuurka ayaa Xukuumada u fasaxaya in Ay iibin Karto Ama kirayn Karto Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera,Lakiin kan la isku haystaa waa soo celinta Madaxwaynahu soo celiyo Go’aankii Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha oon labadiisa Guddoomiye wax talo ah kasiin,golahuna Soo celinta madaxwaynaha inuu Go’aan ka Gaadho ayay ahayd Khilaafkuna halkaas ayuun ka dhacay sifo sharci ahna waa la isku hayaa.

waxa uu ka hadal Wasiirku in Ay Xukuumada ka Go’an tahay in ay dhex-dhexaadin ka gasho golaha iyo in Kale isaga oo cadeeyay in Ay diyaar u tahay in Ay ka hawl gasho waxaana uu yidhi.

“Anagu wax kasta oo Wanaag Ah Xukuumadu Diyaar ayay u tahay in Ay ka hawl gasho Khilaaf kasta oo Yimaada,Golahani waa Gole dastuuri ah waajibaad qaran ayaana cid kasta ka saran,cid kasta oo dano gaar ah oo shaqsi wadatana Xukuumad ahaan diyaar ayaanu u nahay oo waanu ka soo horjeednaa.

Geesta kale waxa uu ka hadlay Ciidanka saaka lasoo dhoobay Barxada Hore ee Golaha Baarlamanka Somaliland isaga oo ka Sheegay in Ay amaanka uun sugayaan Waxaana uu yidhi.

“Ciidankan lakeenay maaha walaahi ciidan loo keenay cid kale waa ciidan amaanka uun sugaya Madaama oo Shalay Kacanta iskula tageen Labada Guddoomiye ee golaha wakiilada,waxaana laga baqay oo xukuumadu ka Cabsootay in Dhibaato kale ay madashaasi ka abuurmato,Ciidanku shaqo kale may Doonayn xildhibaano may Fara Galin si ay u sugaan amaanka ayuunbay ahayd.

Ciidanka Golaha Lakeenay ayaa wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland ku sheegay qaar ka Hortagayay Si aanu dhiig u daadan,amaankana hantay,Balse dhib kale may wadin.

Log1