Shirkada Duulimaadka ee FLY DUBAI oo Qiimo Dhimis u Sameynaysa Macamiisheeda

Hargeisa(GNN) SOMALILAND; 08 Sebteembar 2015: flydubai (http://www.flydubai.com) maanta
waxa ay ku dhawaaqday qiima-dhimis ku saabsan dhammaan duulimaadyadeeda iyada oo
u fidinaysa macaamiisheeda qiima-dhimis 30% oo kala ah qaybaha Business Class iyo
Economy Class ee duulimaadyada ku aaddan Dubai iyo kuwa ka sii baxaya.
Logo: http://www.photos.apo-opa.com/plog-content/images/apo/logos/flydubai.jpg
Photo 1: http://www.photos.apo-opa.com/index.php?level=picture&id=2471 (flydubai Boeing
737-800 NG)
Photo 2: http://www.photos.apo-opa.com/index.php?level=picture&id=2472 (Dubai)
Download ‘flydubai September route map’: http://www.apo-mail.org/150908.pdf
Iyada oo u adeegsanaysa duulimaadyadeeda 49 diyaaradaha jiilka cusub ee Boeing 737-
800, flydubai todobaadkii waxa ay ku kala gooshtaa 1,600 oo duulimaad oo ay ku tagto in ka
badan 90 goobood oo ku kala yaala 45 dal kuna baahdsan Khaliijka Carabta, Bariga Dhexe,
Afrika, Wadamada Xuduudka la leh Ruushka (Caucasus), Aasiyada Dhexe, Yurub iyo
Subcontinent.
Dubai waa halka ay ku kulmaan bariga iyo galbeedku waana wadnaha ganacsiga adduunka
iyada oo isku xidha dad ka soo kala jeeda waddamo iyo dhaqamo kala duwan. Dubai sidoo
kale waa magaalo u siman adduunka oo dhan, waana goob cagaaran oo ku dhextaala
badhtamaha saxaraha, waa magaalo mustaqbal leh oo ka dhex mudhay Saxaraha Carabta.
Kasoo billaw xarrumaha laga adeegto, goobaha xidhan ee barafka lagu dul ciyaaro,
goobaha loo dalxiis tago ee ku dhexyaala saxaraha iyo dhismeyaasha ugu dhaadheer
adduunka, Dubai waa magaalo soo jiidata dhammaan xubnaha qoyska iyo
dalxiiseyaashaba.
Flydubai waxaa ka go’an in ay macaamiisheeda u fidiso khibrad duulimaad oo wanaagsan
iyada oo u soo bandhigaysa fursado badan oo ay kala dooran karaan. Business Class-ka
flydubai waxa uu macaamiishiisa u fidinayaa adeegyo gaar ah oo raaxo leh, halka
qaybteeda Economy Class-ku sidoo kale dadbadan fursad u siinayo in ay ku booqan karaan
qiimo jaban goobo badan oo kala duwan.
Duulimaadkaaga qorshayso ka hor 20 September kuna duul flydubai adiga oo u kicitimaya
goobta aad rabtid helayana qiima-dhimis 30%. Tigidhada waxaa laga iibsan karaa bogga
internet-ka ee flydubai (flydubai.com), Xarrunteeda Dhexe (+971 600 54 44 45), Goobaha
laga gato tigidhada flydubai ama wakiilada flydubai. Fadlan booqo flydubai.com si aad u
akhridid shuruudaha oo dhammaystiran.
flydubai 4 duulimaad ayay todobaadkii u kala gooshtaa Somaliland (HGA) iyo Dubai
Si aad u ogaatid wakhtiyada duulimaadka, fadlan booqo:
http://www.flydubai.com/en/plan/timetable/
Distributed by APO (African Press Organization) on behalf of flydubai.
Media contact:
Houda Al Kaissi
Public Relations Specialist
t. +971 4 603 3073
m. +971 56 683 0336
houda.alkaissi@flydubai.com
Xog ku saabsan flydubai:
flydubai (http://www.flydubai.com) xarrunteedu waa Dubai waxa ay u heellan tahay in ay jabiso
xayndaabka socdaalka isla markaa ay kor u qaado xidhiidhka ka dhexeeya dhaqamada kala duawan
ee ku baahsan goobaha sii kordhaya ee ay duulimaadyada ku tagto. Laga soo billaabo markii ay
hawlgashay 2009, flydubai waxa ay:
 Abuurtay xidhiidh ka dhexeeya in ka badan 90 goobood, 19 khad oo cusub waxaa lagu
dhawaaqay sannadkan 2015.
 Furtay illaa 67 khad oo cusub oo aan hore xidhiidh toos ah ula lahayn Dubai ama kuwaas oo
diyaaradaha Imaaraadku ayna keeni jirin Dubai.
 Hirgelisay 49 diyaaradaha casriga ah kuwaas oo gaadhi doona 100 diyaaradood
dhammaadka 2023, kuwaas oo dhammaantood noqonaya Boeing 737-800s.
Sidoo kale, degdegsiimada iyo furfurnaanta diyaaraddan curdinka ahi waxa ay kor u qaaday
horumarkii dhaqaalaha Dubai, kaas oo xidhiidh toos ah la leh Hiigsiga Xukuumadda Dubai, iyada oo
abuuraysa ganacsi iyo dalxiis gaadhaya suuqyadii aan hore loogu shaqayn jirin.
Si aad u heshid xog dheeraad ah oo ku saabsan flydubai iyo adeeggeeda, fadlan booqo flydubai.com.
Log1