Shirkada Geeska Arfica Spare Parts Oo Mootooyin Ku Wareejisay Shirkada Isgaadhsiinta Somtel (Sawiro)

Hargeisa(GNN):-Shirkada Geeska Arfica Spare Parts ayaa maanta laba mooto oo nooca Sportiga ah ku wareejisay Madaxda Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah Ee Somtel xafladda wareejinta Mootooyinkan oo ka dhacday Hutel Caydiid Ee Magalada Hargeysa waxa ka soo qayib galay Madaxda iyo masuuliyiinta Geeska Arfica Spare Parts Iyo Shirkada Somtel .Ugu horayinw axa halkaasi ka hadlay mulkiilaha Geeska Arfica  Spare Parts Yaasin Yuusuf  Waxana Yidhi “ Hadaanu Nahay Shirkada Geeska Arfica Spare Parts waxyaabaha noo dhib yareeyay Ganacsigayaga Waxa Weeye Adeega Wanagsan Ee Noo Keentay Shrkada Somtel .

Waxaan dadweynaha aad Ugu Boorinayaa in loo makhraati furo waxa uu qof kasta ama shirkad kastaa qabato si qofkaasi ama shirkadaasi u dhiirato uu halkaasi uga sii wado Dadaalkeeda hadiyo goor tiifiiyada waxaad ka argtaan xayasiiskoga lama arag cid xajiijisa waxan ay xayasiiyaan lakiin anagu maanta waanu xaqiijinaynaa oo waanu ka makhraati kacaynaa .

Hadaanu nahay Maamulka Shirkada Geeska Arfica Spare Parts Waxaan Halkan Maanta Si Rasmi ah ugu wareeejinaynaa SHirkada Somtel Laba Moodto oo ah nooca Sportiga oo aanu ugu talo galay in aan ku siino sida qiimaha badan ee ay bulshada ugu adeegto shirkada wadaniga ahi.

Waxa Sido Kale Halkaasi Ka hadlay Madax Guud Ee Hawlgalinta SHirkada Somtel Axmed Cabdilaahi Caynaashe Waxan Yidhi “ Aniga oo ku hadlaaya Magaca shirkada Somtel waxan aad ugu mahadcelinayaa Shirkada Geeska Arfica Spare Parts Qalankan Ay Nugu Maamuseen ama gawadhidan yar-yar ee maanta ay nugu wareejinayaan  anaguna aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu idinkala soo qayib galo .

Adeegayagan waa adeeg lugu horu maro oo qofkastaa isagoo halkan joogo ganacsigiisa uu halkaa kaga dalbanaayo waxa uu u baahanyahy,  Somtel Bilowgeedii ilaa maanta waa shirkad meel sare gaadhsiisay bulshadeeda ama macaamiisheeda ilaa maanta ay dalka ka wado Adeega 4G .

Gbailey News Network