Siyaasi aadan Maxamed Xaaji Oo shacabka somaliland iyo Guud Ahaan Dadka Muslimiinta ah ku Hanbalyeeyey Munaasibada Ciida Barakaysan ee Ciidal Adxada

Gabiley(GNN):-Siyaasi aadan Maxamed Xaaji ayaa shacabka somaliland iyo Umada Muslimiinta ah ku Hanbalyeeyey Munaasibada Ciida Barakaysan ee Ciidal Adxada

Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji waxa uu Munaasibada Ciidal Adxa awgeed Hambalyo Iyo Duco u Dirayaa dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo Guud ahaan bulsho-Weynta Islaamka ee Dunida Meelkasta oo Ay Ka Joogaan Ama Kaga Noolyihiin Waxanu Yidhi
Waxaan Halkan Hanbalyo Uga Dirayaa Munaasibada Ciidal Adxa awgeed Dhamaan Bulshada Reer Somaliland Iyo Dhamaan Umada Muslimiinta Meelkasta Oo Ay Joogaan Leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr Waxaan Illaahay uga Baryayaa in uu Ciidan ciideeda inagu Gaadhsiiyo Caafimaad, iyo Cimri Dherer  iyo Cibaado Taama.

AAMIIN            AAMIIN           AAMIIN