Siyaasi C/rashiid Maxamuud Riyoraac Ayaa Markii Ugu Horeysay Daboolka Ka Qaaday Inuu Ku Biirayo Xisbi Xaakimka Kulmiye 20 Cisho Oo Uu Wadahadal U Socoday.

Hargeisa(GNN):-.Halkan Hoose Ka Daawo Siyaaasi C/rashiid Maxamuud Cali riyoraac ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday 20 cisho oo wada hadal u socday kadib inuu ku biirayo Xisbi Xaakimka Kulmiye  Eng Cabdirshiid Maxamuud Cali RIiraac oo magaalada Hargeisa ugu waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa sheegay in 20 cisho ka dib uu wada hadal u socday masuuliyinta xisbi xaakimka kulmiye ay isla afgarteen in uu xisbigaa ku biro . Siyaasiga oo hormood u ahaa masuuliyiin tira badan oo iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani isla markaana ahaa xoghayaha qorshaynta Xisbiga Waddani ujeedada kulanka saxaafada ayuu ku tilmaamay himilada Mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo xisbigu kazoo jeesanayo Waxaanu sheegay in maalmaha soo socda uu si rasmiya ugu biiri doono Xisbiga KUlmiye balse wakhtigan uu baxayo safar dibadeed oo ugaar ah isaga, marka uu ka soo laabtana uu madal ku haboon kaga hadli doono sababaha uu udoortay xisbiga kulmiye

 

 

 

Hargeisan Office

gabiley News Network