Suldaanka Guud Ee Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Oo Soo Dhaweyntiisa Xukuumada iyo Mucaaridku Ku Kulmeen

Hargeysa(GNN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali-Shire ayaa, siweyn loogu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyadoo socdaalkiisa xiligani noqonayo Markii u horeysay, ee ay soo dhaweyn mug leh dhinaca Xukuumada looga sameeyo Suldaan Siciid taas, oo ay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ka qeyb galeen Soo dhaweynta Suldaanka.
Wasiirada Caafimaadka Saleebaan Ciise(Xaglo-toosiye), Howlaha Guud Maxamuud Xaashi Cabdi,Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami,Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac,Masuulyiin Xildhibaano iyo salaadiin tiro badan ayaa, ka qeyb galey soo dhaweynta Suldaan Siciid oo shaley barqadii lagaga hortagey Dhinaca Bari ee Caasimada Hargeysa islamarkaana loo soo galbiyay dhinaca Huteelka Nile ee Gudaha Magaalada Hargeysa.

Socdaalka Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali oo kasoo kicitimay Sanaag Bari gaar ahaana Hadaaftimo oo fadhiisinkiisu yahay, ayaa la sheegay in uu deyrtan la xidhiidho mid martiqaadkeedu ka yimid Wasiiro katirsan Xukuumada islamarkaana, uu kasoo alifey Deegaanada Sanaag Bari Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo mudooyinkan dambe kacdoon ka dareemay dhinaca Beesha Warsangali oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo tabasho weyn ka qabta kadib markii ay mudo wakhti kooban laga joogo ka codsadeen Madaxweynaha in xilalka qaranka laga qeyb galiyo islamarkaana, ay sigaar ah u codsadeen Kursiga Maxkamada Sare oo maalmahaa banaana, laakiin aaney fursad u helin.

warsangali

Suldaan Siciid ayaa, ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ee lagu soo dhaweeyay Caasimada Hargeysa,iyadoo ay fursadaasi ka hadleen iyaguna Xubno katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, oo ay kamid ahaayeen Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Maxamed Uurcade, iyo Xubno kale waxaanay masuulyiinta Xisbiga Wadani ka jeediyeen madashii soo dhaweynta erayo ay ugu duur xuleen Xukuumada oo ay kaga hadlayaan qadiyada Beesha Warsangali ee Bari Sanaag.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa, socdaalkiisa doorkan waxa ku wehelinayay duqey badan oo kala soo baqoolay Deegaanka Hadaaftimo, waxaana la sheegay in ay damacsan yihiin Suldaanka iyo xubnaha Wehelinayaa in ay Madaxweyne Siilaanyo la qaataan Kulan garnaqsi ah oo ku wajahan saamiga beesha iyo in ay dhidibada u adkeeyaan taageerda Wasiir Cadami oo ka dhisan dhinaca Suldaanka.

 

 

Gabiley.net

Gabiley  Office