Taageerada Soona Gaadhsiisay Kooxdana Halka Ay Maanta Taagntahay Ayaa U dhag taagaaya Waxa ay Xukuumada Iyo Guud ahaan Reer Somaliland Ay ka Yeeli Doonaan Fanaantiintan .

Muqdisho(GNN)-Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa Maanta Ka Dagay  magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan Bandhig Faneed ay farxada ciida kula wadagayaan shacabka Muqdisho.
Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

x(8).jpg xx(12).jpg xx(13).jpg

Fanaaniintan ayaa fadhiguudu yahay caasimada Somaliland ee Hargaysa iyagoo dhawr jeer isku dayay inay Muqdisho tagaan laakiin ay u suurtoobi wayday,kadib markii qaar ka mid ah oo uu ku jiro guddoomiye Xassan Dhuxul Laabsaalax lagu xidhay Madaarka Caasimada Somaliland ee
Hargaysa Fanaaniintan ayaa inta badan waxa gacanta ku haysay xukuumadda Somaliland  iyo Tvga Hctv kuwaasi oo ka qayb galin jiray barnaaminyada madadaalada ah ee fankooda ku saabsan wallow dhawr jeer ay labadabais khilaafeen.
xxx(10).jpg xxxx(7).jpgxx(12).jpg
Fanaaniintan ayaa taageerayaal xoogan ku lahaa gudaha Somaliland,kuwaasi oo niyad jab ka muujiyay Mar ay barnaamij u qabteen Tvga Somaliya,kuwaasi oo iska lumiyay Taageerayaal badan .
Bulshada Somaliland oo ah Bulshada u badan ee u haysa Taageerada Soona Gaadhsiisay Kooxdana Halka Ay Maanta Taagntahay Ayaa U dhag taagaaya Waxa ay Xukuumada Iyo Guud ahaan Reer Somaliland Ay ka Yeeli Doonaan Fanaantiintan .
Gabiley.net Netwrok Office Gabiley somaliland