Taliyaha Saldhiga Boliska Wajaale Ayaa Kormeer Hawleed Kusoo Maray Tuulooyinka Geed Balaadh Iyo Godka Carrada

Wajaale(GNN)Taliyaha saldhiga Boliska wajaale ayaa kormeer hawleed kusoo maray tuulooyinka Geed balaadh iyo Godka carrada. isga oo halkaasi kulamo kula sheeshay qaar ka mida odayshaasha degankaasi. Waxaanu Taliyuhu kala hadlay bulshada halkaasi ku dhaqan kala hadlay sidii ay ugala shaqayn lahaayeen ciidamada bilayska ka hortaga wax kasta oo aminga lid ku ah.
dhanka kale taliye kayse suudi caraale ayaa wacad ku maray in uu talaabo adag ka qaadi dono gaadhi-dameerada iyagu khamriga ka soo talaabiya xadka itooobiya iyo soomaaliland iyaga oo gawadhida ugu geeya tuuloyinka ka baxsan magaalada wajaale.
Taliyaha ayaa baryahan dambe wada hawlgalo joogto ah oo ku cidhib tirayo, mukhaadaraad ,tahriibta iyo dhalinyarada kooxa samaysta rabshadahana ka aloosa magaalada. Ciidanka bilasyska ayaan habeen iyo dharaarba ka nasan hawsha ay uhayaan shacab kooda hadaba tan iyo intii saldhiga wajaale loo soo magacaabay taliye kayse ayaa waxa uu wax wayn ka qabtay dhalin yaradii dadka safarka ah iyo canalayda ku baadhanaysay koorna yaasha magaalada hadaba odayaasha magaalada ayaa taliyaha ku amaanay sida wanaagsan ee uu xilkiisa u gudanayo.

 

Gabiley.Net

Wajaale Office