Ujeedadda Kulan La Sheegay In Taageero Loogu Raadinnaayo Wasiir Biixi Oo Caawa Dhex Mari Doona Madaxweyne Siilaanyo, Iyo Odayaal Dhaqameed Uu Soo Ababaulay

Hargaysa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu wadaa in caawa qasriga Madaxtooyada kulan gaar ah kula yeesho odayaal,dhaqanmeed la sheegay in la kulanka Madaxweynaha uu u soo qaban-qaabiyay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo lagu soo waramayo in uu dabada ka riixayo odayaashan.

Warkan oo aanu ka helnay Illo wareedyo xogoggal ah oo ka ag dhow madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in qastiga odayaal dhaqameedkan taageersan Wasiirka Khaarajigu ay ka leeyihiin kulankani uu daaran yahay sidii ay Madaxweynaha ugala hadli lahaayeen sida ay u taageersan yihiin Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Wasiirka Khaarajiga ee xisbul xaakimka KULMIYE, dhexdiisa ah, iyo sida ay taageerada ugu doonayaan innuu garab istaago Madaxweynuhu oo uu la qaato

ff

Illo wareedyadani waxa kale oo ay xuseen in markii hore ee ballanka la kulanka odoyaashan looga soo qaaday Madaxweynaha uu ahaa mid ku salaysan inuu Madaxweynuhu la kulmayo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse, balse, markii danbe la ogaaday inay Odayaal dhaqmeedkaasi ay ku kooban yihiin oo kaliya beesha hoose ee uu ka soo jeeddo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Illaa hada ma jiraan wax war ah oo si rasmi ah u cadaynaya ama u xaqiijinaya jiritaanka kulankan oo ka soo baxay Madaxtooyada, iyo in uu qabsoomay kulankan ay odayaashani doonayeen in ay caawa la yeeshaan Madaxweynaha iyo in kale.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka mid ah Wasiiradda u tafo xaydan musharaxnimada madaxweynenimada xisbul xaakaimka KULMIYE, oo ay ku gadaaman tahay duruufo badan oo Ujeedo badan ah oo aan iillaa hada kala cadayn.
Gabiley.Net
Gabiley Office