Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Kulmiye Oo Xukuumada Ku Edeeyay In Ay Ku Dhaqmayso Nidaamkii Siyaad Bare.

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku xigeenkii hore ee dhinac amaanka ee wasaarada arimaha gudaha ayaa Xukuumada ku edeeyay in ay wado Kicin Dadwayne,isaga oo ku masaalay in ay ku dhaqmayso nidaamkii kaligii taliska ahaa ee siyaad bare.

Cabdilaahi abokor ayaa canbareeyay Xadhiga loo gaystay Madax dhaqameedka isaga oo ku masaalay talaabada iyo wadada ay u martay in ay yihiin Qaar khaldan oon Suldaan Magaca reer sida loo adeegsan.

Geesta kale waxa uu ka hadlay haamaha kaydka shidaalka ee Berbera ee lawareejiyay,isaga oo carabaabay in Xaalka haamahu yahay tuug ka qaad,tuugna ku wareeji.

“Halkan waxaan doonayaa inaan ka canbareeye Xadhiga ay Xukuumadu u gaysatay Suldaan Sanbayso iyo Boqor Raabi,Madamaama oon wasaarada arimaha gudaha ka tirsanaan

jiray,ninka Suldaankii Ama ninka Madax Dhaqameedkii waa tiirka 2aad ee dawlada-nimo sharaf ayuu leeyahay.intaas waxa uu ku daray Wasiir ku xigeenkii Hore ee wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Cabdilaahi Abokor waxaana uu yidhi.”Suldaanku shaqsi maaha umad ayuu matalayaa oo miisaankiisa ayuu leeyahay,ninka miisaankaas leh oo magac umadeed sitana insi qof yar loo soo qabto aniga ila qurux badana,sidaan xogogaal ku hayana waxa la sheegayaa in maxkamada waaran looga soo qaaday.

Cabdilaahi Abokor ayaa xukuumada u Nisbeeyay in Ay sifo aan sharci ahayn ula dhaqanto Salaadiinta marka ay Xidhayaan iyaga oon la waayan sida uu cadeeyay.

“Arinkaas ay Maanta Xukuumadun ku Kacday waxa uu iila eeg yahay inuu yahay mid La doonayo in dadka lagu kiciyo sabab kale oo la is odhan karaa oo Xukuumadu la leedahaya majirto,waxaanan jecel nahay hadii wax lagu haysto sida uu sharcigu dhigayo,maxkamadana la horgeeyo afar iyo labaatan saacadood,waliba waxaad moodaa in nimaadkii siyaad bare ka shaqeeyo dalka.

waxa uu dawlada u soo qaatay gabayo isaga oo ku cabiraya Cabdilaahi Abokor waxaana uu yidhi.”Dawlada waxa ku jira raga aan dan ka lahayd,waxaan soo qaadanayaa gabaygii ragbaa baadida kula daydaya oo daalna kaa badiya oo hadana doonayn inaad heshi daa’in abidkaa,Markas dhamaan imika dawlada Sidaa aya ku jirta,umada iyo shacabkana waa lakala dilayaa aad iyo aad ayaanu uga xun nahay,lakiin waxaan soo jeedin lahaa mudadaas uu dastuurku siinayo oo gaba-gabo ah in sharciga lagu Hor Geeyo.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Cabdilaahi Abokor sida uu u arko Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Xukuumada Cadaysay in ay Wareejin Doonto iyada oon u hogaan samayn Go’aanka ay golaha wakiiladu ka gaadheen waxaana uu yidhi.

“Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera sidoodaba waa haamo gaboobay,waana qaar u baahan in dayac tir joogta ah lagu sameeyo,waxaana ay ahayd markii total laga wareejiyay in lagu wareejiyo shirkada  hagaajin karta,waxaana loo baahan yahay in dayac tir lagu sameeyo,lakiin tuugna ka qaad,tuugba u dhiibn anigu soo dhawayn maayo.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenkii Hore ee dhinaca amaanka ayaa waxa uu ka Danbeeyay Xadhiga loo gaystay Laba suldaan oo Xukuumadu ku eedaysay in Ay danbi galeen.