Wasiirka Maaliyada JSL Oo Xadhiga Ka Jartay Dhisme Maktabad Taariikhi Ah Oo Ay Xukuumadu U Dhistay Jaamacada Camuud.

Boorama(GNN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo taariikhi ah oo noqon doono Maktabad aad u balaadhan oo ay xukuumadu u dhistay Jaamacada Camuud.

Munaasabadan ayaa waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Maamulka Gobolka, Kan Degmada iyo Masuuliyiin aad u tiro badan.

waxana uu Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed uu ka marag kacay in Dhismaha Maktabadani uu qiime wayn ugu fadhiyo Jaamacada iyo guud ahaan Bahda Waxbarashada, isla markaana ay Jaamacada Camuud Mahad uga celinayo Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo suura galisay dhismaha Maktabadan.

samsam

“Waxa noo farxad ah in maanta xadhiga ay Wasiir Samsam iyo Wasiir Faarax oo wada jira ka jaraan dhisman Makatabada ah ee cusub oo runtii ah mid qiime wayn ugu fadhiya Jaamacada, Dhimahan ayaa waxa ku baxday lacag dhan 130 kun oo doolar, waxana gabi ahaanteedba fududaysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan Wasiir Samsam oo markii ay ahayd Wasiirka Waxbarashada Miisaaniyada noogu dartay, markii dambe ee ay noqotay Wasiirka Maaliyadana Wax badan noo fududaysay” Ayuu Yidhi Prof. Saleebaan

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu daba dhigay ïntan “ Wasiir Samsam runtii Jaamacada Camuud iyo Bahda Waxbarashada ee Somaliland intii ay hogaanka W/Waxbarashada Haysay waxa ay ahayd masuul ku sifoobay, daacadnimo, goáan wanaag, la tashi, himolo dheero, dhiiri galin iyo ataamo badan oo Hogaamiyaha wanaagsan u astaan ah, Waxa kale oo aan qirayaa in sidoo kale Wasiirka Hada ee W/Waxbarashada oo isaguba ahaa bahda Jaamacada Camuud uu yahay masuul xiliisa si wanaagsan u gutay hogaan wanaagsana maanta u ah waxbarashada Somaliland”

“Mar labaad waan u mahad naqayaa madaxda na soo booqatay ee munaasabadan nala joogta, sidoo kale waxa aan mar labaad leeyahay Wasiir Samsam, dhimsihii maktabadu waa dhamays tiran yahay, waxase uu u baahan yahay qalabayn dhinacyada agabka ah si uu u noqdo dhisme dhamaystiran, oo kuraastii, kombuyuutarkii iyo shalfisyadii buugta la dhiganayayba leh, intaasna waan kaa sugaynaa oo waan ku han waynahay in aad noo dhamaystiri doonto” ayuu hadalka ku soo afmeeray Prof. Saleebaan.

Sidoo kale Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiikra Wasaarada Xanaanada Xoolaha Md. Cumar Yare oo hadalka iska daba qaatay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay xukuumada Somaliland ee xisbiga Kulmiye u hayso waxbarashada, waxana ay tilmaameen in Jamacada Camuud ay tahay tusaale lagu soo hirto oo astaan u ah koboca waxbarasho ee Somaliland, sidoo kalena waa ay balan qaadeen in ay taageero hiil iyo hooba ah la barbarjooji doonaan Jaamacada iyo bahda waxbarashada Guud ahaanteedba.

Wafdigan ayaa intii uu ku suganaa Jaamacada Camuud Waxa uu Wasiirka Waxbarashada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole dhagax dhigay dhisme kale oo Maktabad dhinaca Sayniska ah oo lagu soo kordhin doono Jaamacada Camuud.

Gabiley.Net