“Waxaan imika u soo jeedinay xukuumadda inay soo curiso sharcigii lagu maamuli lahaa hantida qaranku leeyahay ee Guurtada iyo ma guurtada oo aan la odhanin Aqalkii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa qirin-qiir ku jira….Cabdiraxmaan Cirro

Hargaysa(GNN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO inay curiso sharcigii lagu maamuli lahaa hantida qaranka Somaliland leeyahay ee Guurtada iyo ma guurtada, isla markaana waxa uu ku sifeeyey hab-dhaqanka xukuumadda talada haysa ee wakhtigan inay ina tusinayso inay sii tahriibayso.
ww
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay Xaflad lagu wanqalay Xafiis Cusub oo Xisbiga WADDANI ka Furtay Degmada Axmed Dhagax ee Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeybgalo degmadii ugu horeysay ee Gobolka Maroodi-jeex oo aanu si rasmiya Xafiiskeedi u furno, waxaan u mahadnaqayaa Cidkasta oo hawshaasi ka qeybqaadatay oo gacan ka geysatay….waxaan idinka mahadnaqayaa inaad garateen sababta la idiinku soo horeysiiyay…..waxa la yidhi Hargeysi markay toosayso waxay ka toosta halkan (Axmed Dhagax), waxaanan idiin nimi wakhtigii ugu haboonaa.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro

Mar uu Cabdiraxmaan Cirro la hadlayay xukuumada SIILAANYO waxa uu yidhi“Waxaanu idiin nimi wakhti uu dalku ku jiro xaalad adag, oo aad ka warqabtaan xaalada ka taagan Golaha Wakiillada. Dawladanimadu waa ku dhaqanka Sharciga, dawladnimadeena markaanu adkeynayno waa inaynu ku dhaqanaa sharciga, waa inaynu ku dhaqanaa Dastuurka. Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu u taagan yahay inuu shuruuc sameeyo,

 

Log1