Xasan Sheekh “ Wada Hadalkii Somaliland iyo Somalia Wuxuu U Gudbayaa Waji Cusub.”

Hargeysa(GNN) Madaxweynaha xukumadda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dooday in mabda ahaan wada xaajoodka isaga iyo maamulada Soomaalida uga socday Muqdisho ay qayb ka tahay.

Waxa uu sidoo kale ku dooday in wada hadaladii Somaliland iyo Somalia waji cusub u gudbi doonaan isagoo rajo fiican ka muujiyay sii socoshada wada hadalka oo la ogaa inay horraantii sanadkan burbureen.

Wada hadal ku saabsan sidii Somalia loogu samayn lahaa nooc doorasho oo la isku raacsan yahay badhtamaha 2016 ayaa ka bilawday Muqdisho, kadib markii xukumadda Muqdisho ku fashilantay hiigsigii afarta sanno socday ee ahaa in la helo doorasho shacabka guud ahaan ka qayb qaato oo qof iyo hal cod ah.

“Wadatashiga billowday waan u dhannahay waana wax ay Soomaalidu leedahay, Dabcan Walaalaheen Somaliland mabda’a ahaan waa ka mid howshan. Hadba, wixii fursad ah ee aan u helno iyo sidii duruufuhu noogu ogolaadaana ayay uga mid noqonayaan oo aanu kula shaqayn, iyo sidii ay noogo aq-bali lahayeen ka qayb-qaada-shadooda,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa soo hadal Qaaday Wahadalladii horay ugu dhexeeyay Somaliland iyo Somalia wuxuuna xusay in meel fiican ay marayaan, isla markaana hada loo gudbayo waji cusub “Meel wanaagsan ayay marayaan wadahadalladii hadda ayay waji cusub u gudbi doonaan, rajada arrintaasina aad iyo aad ayay u fiican tahay, balse wadahadalka hadda socda mar walba waxaan diyaar u nahay in aan kawada shaqeyno wixii Shacabka Soomaalida dan u ah,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Wada hadalka u bilawday Somalia ayaa durba waxaa saluugay maamulada qaar, sida maamulka Puntland oo kulamadaasi qaarkood ka baxay kuwa kalena saluugsan “Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo Dawladda federalka ah inay caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen shirka taasoo ay DFS ay ku guuldaraysatay. Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka loo sixi lahaa.

Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed maamulka Puntland ka soo saaray shirka Somalia.

Sheegashada Xasan Sheekh ee in Somaliland iyo Somalia dib u bilaabi doonaan wada hadalka ayaanay Somaliland wali ka hadal, islamarkaana xukumaddu aanay wali sheegin astaamo muujinaya in wada hadalkaasi dib ugu furmayo labada dhinac. Waxaanay sidoo kale Somaliland ka hadal hadalka ka soo yeedhay Xasan Sheekh ee ku saabsan in Somaliland qayb ka tahay qorshaha 2016 ee Somalia oo beesha caalamku dabada ka riixayso.

 

Gabiley.Net

Gabiley Office