Xisbiga Waddani Ee Gobalka Tn Ee Cariga Maraykanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Boobka Ay Xukuumada Somaliland Ku Heyso Hantida Guud

War-Saxaafadeed

Maanta oo ay taarikhdu tahay 20/9/2015 shir ay isugu yimaadeen madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Tennessee waxay soo saareen baaq cambarayn ah iyo talo soo jeedin oo ka kaboon qodobada hoos ku qoran:

wadani u

Q1aad anaga oo ka duulayna siyaasada Xisbiga Waddani waxanu ugu baaqaynaa bulshawaynta reer somaliland gudo iyo dabadba in la’ilaashado isku duubnida iyo midnimada oo dhan looga soo wada jeesto horumarka,difaaca iyo ictiraaf raadinta JSL oo leh cadaw badan.

Q2aad.Waxaanu cambaaraynaynaa cid kasta oo shaadh dawladeed, mid qabiil ama mid ganacsato sita oo ku booba kuna dhaca hantida umadu wada leedahay.

Waxanu uga digaynaa cidkasta oo damac kaga jiro in aanay maalkooda iska galin hantida maguurtada ah ee umadu wada leedahay waana mid aan layskaga hadhi doonin sharcigana lala tiigsan doono cidii falkaasi ku kacda. Dhaca kale waxaan cambaraynaynaa xukumadda siilaanyo iyo cabudhinta ay ku hayso masuuliyiinta iyo shacabka muwaadiyiinta ah ee ay caadeysatay.

Q3aad. Waxaanu shacabka sharafta leh ee nabada jecel ugu baaqaynaa in ay dareenkooda muujiyaan kana gilgishaan boobka qawlaysatada manaxayaasha ahi ku hayaan hantida umada, eed moodo in wadanka ka tahriibayaan.

Q4aad.waxaanu garabtaaganahay xildhibaanada xalaasha ah ee diiday in la mulki wareejiyo haamaha kaydka shidaalka oo ah hadhaaga kasii nool dantii guud; waxaan u rajaynaynaa intakalena in Ilahay xaqa waafajiyo.

Allaah mahad leh,

Gud. TN Yusuf Abdillahi Hirsi

Gud. xigeen Ahmed Mohamed Naleye

Xoghayee Mohamud Abdillahi Ahmed