Xisbiga Waddani Oo Deeq Qalab Ciyaareed Ah Gudoonsiiyey Kooxda Kubada Cagta Ee Xulka Gobolka Buuhoodle

Hargeysa(GNN):- afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxaa uu maanta deeq agab ciyaareed ah gudoonsiiyey kooxda ka socota gobalka buuhoodle ee ka qeyb gali doonta ciyaaraha gobalada somaliland .

Xildhibaanka oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa waxaa uu shegay in aad ugu faraxsan yahay deeqdan uu gudoonsiinaayo kooxda ka socota gobalka buuhoodle waxaana uu yidhi

wadani

“Aad baan ugu farax sanahay in aan maanta deeq agab ciyaareed ah aan gudoonsiiyo dhalinyarta ku ciyaareysa magaca gobalka Buuhoodle waxaana aanu halkan ku gudoonsiin doona qalab direys ah oo aanu ugu talo galnay in aanu kaga qeyb qaadano dhiiri galinta dhalinyartan ka timid gobalkaasi oo anaga xisbi ahaan si gaar ah noogu calaamdsan isla markaana aanu tix galin badan u heyno gobalkaas buuhoodle sidaas darteed waxaanu maanta noo suurto gashay in qalabkan ciyareed ku wareejino dhalinyartan ku ciyaareysa magaca gobalka Buuhoodle” ayuu yidhi xildhibaan ibraahim Mahmed Buuba .

wadani

Sidoo kale gudoomiyaha gobalka buuhoodle ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Fu,aad Mixile ayaa waxaa uu isna xildhibaanka uga mahad celiyey deeqdan uu soo gaadhsiiyey “Maanta waxaa farxad ah in dhalinyarta deegankaas oo baahi u qabtey cid ka kaabta hanaanka ciyaareed ee wakhtigan ku dhex jiraan waxaana aan u arkaa arin dhiiri galin ah maantana aan arkayaa cid dhinac taagan dhalinta rer Buuhoodle ee ciyaaraha ku foogan “ ayuu yidhi Gudoomiyaha XIsbiga Waddani Ee Gobalka Buuhoodle Mr.Fu,aad Mixile .

wadani2

Mid ka mid ah dhalinyarada la gudoonsiiyey agabka ciyaareedka ayaa waxaa uu xisbiga Waddani Uga mahad naqey deeqdan uu soo gaadhsiiyey waxana uu yidhi “Aad buu xildhibaanu ugu mahadsan yahay deeqdan uu na gudoonsiiyey aniga oo ah horjoogaha kooxdan waxaan aan aad ugu mahad naqayaa xisbiga wadani” ayuu yidhi Tobobaraha xulka Gobolka hawd

wadani3

 

 

Gabiley.net

Gabiley office