Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Xadhiga Fanaaniinta Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska

Hargeysa(GNN):-xukuumada somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay xadhiga xubno ka mid ah fanaaniinta xidigaha geeska oo maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadare ayaa faah faahin ka bixiyey sababta loo xidhay xubnahan ka tirsan fanaaniintan xidigaha geeska waxaanu yidhi “Hoboladan la xidhay waxay u fasax qaateen inay tagayaan Nairobi, waxaanay ka been sheegeen arintaasi waxaanay tageen somaliya iyaga oo galay arimo kale oo sida laga daawaday warbaahinta calankii somaliya ayey ka buuqanayeen markaa halkaas waxay ka xad gudbeen xeerkii u yaalay somaliland sidaas darteed ayaana loo xidhay.” Ayuu u sheegay BBc.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay sababta loo xidhay fanaaniintan ay tahay iyaga oo ka turjumaya shacabka somaliland waxaanu yidhi
“Fanaaniintani waa muwaadiniinta somaliland ee ka turjumaya qaranimada, xeer ayaana u yaalay kaas oo ahaa in siyaasiyiinta iyo fanaaniintu ay ka mid yihiin qaranka, waxaanay ka tirsan yihiin shaqaalaha dawlada waanay xad gudbeen, waxaanay hoboladani ka tirsan yihiin wasaarada warfaafinta oo ay mushahar ka qaataan sharciga ayaana la marinayaa.”

Wasiirka oo ka jawaabayey su,aal la xidhiidha inay dadka somalida ahi yihiin dad isku dhaqan iyo isku af ah isla markaana aanay waxba ku jabnayn haddii fanaaniintu tagaan muqdisho ayaa waxa uu ku jawaabay “faraqa u dhaxeeyaa waxa weeyaan dadka somaliga ku hadlaa caalamka meeshii ay doonaan wax way ku qaban karaan laakiin somaliland iyo somaliya qadiyad ayaa ka dhaxaysa laba wadan oo isku tagayna way ahaayeen ilaa ay isla dhigaan oo shacabka somaliland ayaa go,aankan qaatay qaranka somaliland-na waxa uu ka turjumayaa baahida shacabku ay go,aansadeen, markaa meelo kale waa lagu qaban karaa laakiin laguma qaban karo somaliya.”
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE