Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dhaliilo Mucaaradka Uga Yimid

Hargeysa (GNN) Xukuumadda Somaliland ayaa ka dareen celisay hadallo deel-qaaf ay ku sheegtay oo shalay ay masuuliyiin xisbiga WADDANI ka tirsan kala hor tageen suldaanka guud ee beesha bariga Sanaag, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo safar ku yimid Hargeysa,

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland, Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo maanta shir jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in masuuliyiinta WADDANI ka tirsan oo uu hoggaaminayey Wasiirkii hawlaha guud ee xukuumaddii hore, Siciid Sulub Maxamed ay Suldaanka ku soo dhaweeyeen hadallo turxaan ah, kuwaasi oo ay ku sheegeen in xukuumaddu dayacday bariga gobolka Sanaag.

Wasiirka oo hadallada noocaas ah deba socda ayaa yidhi
“Soo dhaweyntii shalay ee Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan koox ka tirsan xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay, waxayna ka hor geeyeen Hadyad, hadyaddaasi oo ah inay yidhaahdeen gobolka bariga Sanaag waa la dayacay oo waa la iloobay. Ragga sidaasi lahaa waxa hoggaaminayey saaxiibkay Siciid Sulub oo 8 sanadood wasiirkii hawlaha guud ee Dawladdii Rayaale ahaa, gobolkaasi Sanaag waxa ugu filan suldaanka ay soo dhawaynayeen in markii u ugu horaysay ee uu ka imanayey Sanaag uu soo mari jiray waddo rafaad badan oo boodh badan, socodkiisana waxaan hubaa inuu laami aad loogu raaxaysanayo uu soo maray, xukuumaddan uu hoggaaminayo Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ka mid ah waxqabadka ay ka fulisay gobolka Sanaag laba Ceel waxa laga qoday Badhan oo aan hore u jirin, laba ceel waxa laga qoday Ceel nuug oo riigga oo aan hore u jirin, Kalluumaysiga Laasqoray laba jeer ayaa Matooro iyo shabaagtii ay ku shaqaysanayeen loo geeyey, intii ay Laasqoray jirtay Madaxweyne qaran oo taga waxa ugu horeeyey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Laasqoray iyo Badhan midba waxa loo geeyey hal Ambalaas oo deegaanada magaalooyinka ka fog loogu shaqeeyo loogu talo galay, Laasqoray markii ugu horeeysay ayaa Cusbitaalkeedii shaqeeyey oo uu shaqaynayaa. Markaa saaxiibkay Siciid Sulub waxaan weydiinayaa siddeeddii sanadood ee aad ahayd Wasiirka hawlaha guud dhagax dhulka sare ma uga qaaday oo ma sheeganaysaa, wax qabadka inta kaliya ee lagugu xusuustaa waxa weeyi Sandaqadihii xaafadda India line-ka Hargeysa, wax kale oo aad taariikhda xasuus kuu galaysaa ma jirto.” Ayuu yidhi.

Wasiirka Beeraha Somaliland waxa uu difaacay Maalgashiga shirkadaha Maxaliga ahi doonayaan inay ku samayeeyaan Haamaha kaydka shidaalka Berbera “Haddii aan u soo noqdo maalgalinta Haamaha, horta Haamuhu waxa la mid yihiin bakhaarada ka furan magaalada Berbera ee ganacsatadu raashinka dhigto, halka kuwaasi raashinka laga dhigo kuwana waxa la dhigaa shidaal, kiradoodu waxa ay la mid tahay aqal la kiranayo, guryaha dawladda ee dalka ku yaalaba waa la kireeyaa waana la horumariyaa oo buuq kama yimaaddo, markaa kuwaasi uunbay la mid yihiin, iyada oo ay sidaasi tahay Baarlamaanka waxa la marin karaa haddii uu maalgashi dibadeed yahay oo ay hay’ad caalami ah kiraysanayso, laakiin waxa gudaha ah horta baarlamaan shaqo kuma laha, waxa kale oo ay ilawsan yihiin in wasaaradda Ganacsigu ruqsadda soo dejinta shidaalka ay iyadu gacanta ku hayneyso, hashiisyada lala galayo ee dadka Haamaha gacanta ku hayaa la galayaan waxa amraysa wasaaradda ganacsiga, baadhista iyo ilaalinta tayada shidaalka waxa gacanta ku haynaysa wasaaradda ganacsiga oo qoladani khidmad uunbay qaadanayaan, waxaanay kooxdani samaynayaan (bixinayaan) $ 11 Milyan oo Haamaha lagu dayac tiro oo saddex sanadood ah, wasaaradda Maaliyaddu halkeediibay fadhidaa oo cashuurtii iyada ayaa qaadanaysa, Waxaan garan la’ahay Haamaha sidaasi ah ee aynu ogolayn in hay’ad ajinabi ah maalgashato ee buuqa samaynaysa ee aan u baahnayn in maalgalin gudaha lagu sameeyo ee inaga jeedinaysa wax qabadkeenii kale iyo wixii dadku qabsan lahaa”

Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ka hadlayey sababaha keenaya in ciidamada ammaanku xidhaan Madax-dhaqameedka qaarkood ayaa sheegay “Salaadiintu marka ay madax dhaqameed yihiin ee ay xilkaa ay beeshu u igmatay hayaan in la sharfo oo la ixtiraamo oo aan la xidhin weeyi, laakiin suldaanku marka uu siyaasi noqdo ee ciddii cid caydaaba isaga dhaqaajiso markaa siyaasi ayuu noqday, siyaasina ha u diyaar garoobo in la xidho iyo inay xanaf iyo cambaarayni gaadho, ka kale ee reerkoodu iska soo qabtana cid ka hadli kartaa ma jirto” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu ka jawaabay cambaareyn uu Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed xukuumadda ugu jeediyay xadhigga laba Madax-dhaqameed “Saaxiibkay Siciid Sulub oo saddex cisho ka hor salaadiinta waa lama taabtaan lahaa waxa uu ilawsan yahay taariikhdiisii dhawayd ee shalay ahayd ee dadku wada xasuusan yahay, saaxiibkay waxa weeyi kii suldaaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar intuu gaadhi Bee-bee ah kaga qaaday Burco ku geeyay jeelka Mandheera oo ah halka lagu xidho dadka wax dila iyo dadka xabsi daa’inka ah, kaaga sii darane intuu shir jaraa’id qabtay ayuu yidhi ninkii suldaan Cismaan la saaxiib ahaayoow jeelka Mandheera ugu tag, markaa waxaan leeyahay Salaadiintu ma maanta ayay is-beddeshay oo ay wax kale noqotay..?”

Wasiirku waxa uu Siciid Sulub ku eedeeyay inuu siyaasad ka dhiganayo eedaymaha uu xukuumadda u jeediyo “Waxaan xusuusinayaa saaxiibkay in aanay ahayn in ficilkii uu sida gefka ah u sameeyey (Xadhiggii Suldaan Cismaan) inuu cid aan samaynin uu siyaasad ka dhigo (eedayntooda) oo uu xisbiga Waddani ku galo oo uu ka dhigto kaadhkii uu ku galayey, arrintaasi waa looga fiican yahay, waxayna ahayd in waayo-aragnimadiisu intaasi ka badnaato” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Madaxweynaha waa la mucaaradi karaa oo siyaasaddiisa wax waa laga sheegi karaa, laakiin daw looguma laha in aflagaado shakhsi ah loola yimaaddo”
Gabiley.Net
Gabiley Office