Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horaysay Shaaca Ka Qaadatay Tirada Xujaajka Reer Somaliland Ah Ee Ku Geeriyooday Xajka

Hargeysa(GNN) Xukuumada Somaliland Ayaa markii u horaysay ka hadashay tirada xujaajta Somaliland Kaga dhimatay sanadkan xaramka sidaas waxa warfidiyeenada u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta Iyo Aqaafta Somaliland Nuur Cismaan Guleed Waxan Yidhi “ Somaliland tirade Rasmiga ah ee kaga dhimatay waa afar xaaji sido kale waxa lumay oo la waayay Afar xaaji oo kale oon la kala ogyin in ay dhinteen iyo in kale.

Sido Kale waxa uu Wasiir ku xigeenku ka hadlay warar sheegaaya in ay shaqadii wasaaradoodu qabanaysay ay la wareegeen Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland isago arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi mar kale “ horta anaga iyo gudida

wanaag faristu ma nihin laba tartamaaya bal se waa laan naga mida anaga howshaa ay hayaana anagaa u xil saaray.

Gabiley.Net
Gabiley Office