XUKUUMADANI MA DAWLADBAA MISE DADKAA LAGU CIYAARAYAA Qalinkii;A/raxmaan Sayid Faarax [Jeesto]

Gabiley (GNN)Dawlada Wakhti Xaadirkan Dalka Hagaysaa Ayaan Habayaraatee Wax Maamuusiyo Kala Danbeyn Dawladnimo Aaney Ka Muuqan Waxay Dalkii Ku Abuurtay Muran Iyo KHilaafyo Joogta Ah Oo Soo Noqnoqda ,Kuwaasoo Jahawareeriya SHacabkan Masaakiinta Ah Ee Dalka Ku Nool Isla Markaana Raadad Ku Kala Beeray Kalsoonida Dadka Iyo Tan Dawlada, Intaa Ka Sakaw Waxay Muujisaa Dareen Diciifnimo Ka Muuqato Oo Ay Ku Sifoobaan Gadhwadeenadu, Yagoo Ku Guuleysan Kari La Xalinta Hawsha Markaa Taagen Lana Waafajin Waayo Hanaankii Iyo Hilinkii Ay Mudnayd Oo Ah Kan Maqaar Saarka Muranka Amintaa Oogan, Sidoo Kale Waxaan Ka Madhnayn Isticmaal La,aanta Awooda Oo Kaliya Loo Adeegsado Si Aan Maamulnimo Ahayn, Sida In SHacabka Cabanaya Oo Rasaas Iyo Falal Argagax Leh Lagula Kaco, DHinaca Kalena Halka Dadka Qaar Aad U Qaldan Oo Xadgudbaya Aan Wax Talaaba Ah Laga Qaadin.
Tanina Waxay Muujineysaa In Ay Xukuumadu Ku Guuldareysatey Adeegsiga Awoodeeda Iyo Ku Meel Marinta Hawlaha Loo Baahan Yahay Ee Mudan, Taa Markaan Ka Gudbo Hadaba Aan Iftiimiyo Ubucda UJeedadyda Oo Salka Ku Haysa Dawladani Ma SHicibaa Mise Waa Dawlad Nidaamkeedu Sax Yahay Oo Aan Deelqaaf Lahayn, Taasi Jawaabteedu Waa Nidaamka Iyo Hab Maamuuska Dawladnimo Lagu Macneeyo Meel Kama Soo Gasho, Waayo Haday Maanta Dalka Xurgufi Timaado Ama Dabayl Xagaa Yari Gilgisho Saaxada Siyaasada Oo Guuxa Iyo SHaashadaha Ereyo Laysaga Laliyo, Yadoo Aakhirkana Ku Danbeysa Masiibo Culus Oo Guurtiyo Gadhkeeda Tabta Isla Markaana Bakhtiin Uga Baahata, Ayaaney Xukuumadu Wax Go,aana Ka Soo Saarin Amuurahaasi Kuwaasoo Xad DHaafey Ayaa Lagu Xaliyaa Afaf Fara Badan Oo Hogaanadu Ku Kala Hadlaan, Tusaale Ahaan Markaan Sidaa Leeyahay Waxaan Uga Jeedaa Laysma DHageysto Qofna Xilkiisa Laguma Daayo, Sababtuna Waa Isku Xidhnaan La,aanta Gudaha Oo Ay Jiraan Sida Maaqata Ama Ilo Xogogaalii Tibaaxeen, In Meesha Ay Jiraan Awoodo Fara Badan Oo DHankay Doonto Mid Waliba Niista U Rida, Wadadanina Waxay Abuurtaa Kala Jab Ku Imaada Talada Iyo Aragtiyo Kala Duwan Maadaama Ay Wasiiradu Iska Ag Hadlayaan Kii SHaqadan Lahaa Iyo Ku Aaney KHuseyba, Mararka Qaarkood Hadii KHayraadka Dalka Laysu Qabto Oo Ay Mucaaridku Ku Xoomaan Waxaad Arkeysaa Sagaal Wasiir Ooney Waxba Ka Galin Oo Midba DHinac Bahasha Ka Buufinayo, Tanina Waxay DHalisey In Marka Mucaaridku Yara Haleelo Xukuumada Ay Kala Hadlaan Oo Raqdooda Haada Iyo Haanraawe U Hanweyni Ay Ka DHargaan. Astaanta G uud Ee Ay Muujineysaa Waa Dawladii Iyo SHicibkii Oo La Kala Garan Laayahay Midabkooduna Isku Milmey, Maxsuulka Ka DHashaana Wuu Noqon Karo Cawaaqib Xumo LaSoo Darista Hiigsiga Iyo Geedi Socodka Dimuqraadiyada Oo Hoos U DHaca, Isla Sidaa Misaalkeed Waxaa Yana Soo Bixi Doonta In Awoodaha Qaarkood Ka Faa,iideystaan Isu Maqnaanshaha Baarqabyada Is Haybsanaya Oo Cid Aan laga Filayni Ay Mudh Ka Soo Tidhaahdo.

Waa Qalinkii;A/raxmaan Sayid Faarax [Jeesto]

Gabiley.Net  office