“ 26 September Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo La Kulmay Odayaasha Beeshiisa, Waxaanu Waydiistay Inay Ku Daba Faylaan Muuse Biixi,” Warbixin.

Hargeysa(GNN) Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisa shalay warbixin ka qoray loolanka Kulmiye gaar ahaana, tartanka Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu wargeysku sheegay in Muuse Biixi haysto kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina Weris, taasina u suuro galin karto musharaxnimada Kulmiye.

bixi

“ 26 September wuxuu madaxweyne Siilaanyo la kulmay odayaasha beeshiisa Habarjeclo, waxaanu waydiistay inay ku daba faylaan Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hogaamiyahooda, ahna madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Saylici,” ayuu wargeyskuku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse Biixi oo musharaxa Kulmiye noqdaa keenayso in siyaasiyiin miisaan lihi mucaarad ku noqdaan xisbiga “Haseyeeshee haddii Muuse Biixi noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye,siyaasiyiin culus ayaan ka gaban doonin inay u wareegaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,”ayuu wargeysku ku daray xogtiisa.

Garabka guddoomiye Muuse Biixi ayaa si weyn looga dareemayaa Hargeysa tabaabushihiisa ku aadan xodxodashada ergooyinka oo hab beelaysan loola shirayo, halka Maxamed Biixi ku mashquulsan yahay safarka madaxweyneSiilaanyo Ingiriiska ku joogo.

Shirka Kulmiye ee loo qoondeeyay bisha dambe ayaa haddii uu qabsoomo noqon doona midgo’aamiya cidda Kulmiye uga qayb galaysa tartanka doorashada sanadka 2017-ka, iyadoo Wargeyska Indian Ocean iftiimiyay in madaxweyne Siilaanyo oo haatan da’diisu ku siman tahay 80 jir aanu musharax ka ahayn Kulmiye

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE